Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Qaadhaankii Abaaraha Oo Ololaha Kulmiye Ku Baxay Iyo Codad Uu Kulmiye Bariis Siisanayo

$
0
0

Warar sugan oo ka imanaya gobolada Togdheer iyo Saaxil ayaa si cad u tilmaamaya raadkii ay martay lacagtii dhawrka million ee ay si wada jir ah ugu baaqeen madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa Amino Weris baaqaas oo ay ka soo jawaabeen reer Somaliland mucaarad iyo muxaafadba gude iyo debed jeeble iyo taajir iyo danyar intuba wey bixiyeen balse waxaan ilaa haatan la arag lacagtaasi halkay ku dambeysay islamarkaana ay weli taagatahay duruufo adag barakacyaal u heelan xoolo loogu balan qaaday mar hadii ay xoolihii ka baxeen tusaale waxaa si weyn u cabanayay barokacyaal ay dowlada Kulmiye ugu balan qaaday inay xoolo ama maal aduun gacanta u gelin doonto oo cawad khayr leh u noqda haseyeeshee bulshadaas oo laga soo raray deegaanadoodi ayaan ilaa xiligan wax qorshe ah kala kulmin dowlad ku sheega Kulmiye taa bedelkeed bushada halkaa ku dhaqan agagaarka Wareebeeye ayey xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye marlabaad u balanqaadeen inay wax siinayaan balse doorkan ay caawimaada kaga iibsanayaan codad ay siiyaan xisbiga sida weyn ugu fashilmay talada dalka ee Kulmiye sida ay sheegeen barokacyaashaasi oo ilaa hada sugaya balanqaadyadii isbarkanaa qaybna ka yahay cod iibsi farsamaysan oo ay reer Kulmiye codad kaga doonayaan ummad ay hore u gaajaysiiyeen si ay xiliga doorashada codkooda ama masiirkooda siistaan bariis sonkor saliid oo ay ku deeqday dowlad carbeed ama reer galbeed ah waa foolxumo weyn in qarankan la wada xaraashay inta yar ee deeqdana Kulmiye ku tamashleeyo sida la sheegayo gobolka Togdheer waxaa kaga baxday ugu yaraan Boqolaal kun ama hal Million si loo sanduleeyo beelo gaar ah halka kuwa kalena Kulmiye u tumay durbaankii qabyaalada maantana waxaa la sheegayaa in ay degaalo sokeeye ka dhex hurinayaan beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Sanaag oo ay isleeyihiin codbaad ku helaysaan.

Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>