Hargeysa(Qaran-news)-Shir Caalami ah oo saddex geesood ah oo lagaga hadlaayo sidii ka hor tag iyo diyaar-garow looga samayn lahaa Abaaraha soo noqnoqday ee aafeeyey deeganada Somaliland sannaadihii u dambeeyey ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Shirkan oo saddex geesood ah, ayaa kulmiyey Hayaddaha WFP, FAO iyo Dawlada somaliland oo ay ka socdeen mareeyaha hayada rashinka qaranka siciid xasan Clahi wasiirka deeganka Marwo Shugri Wasiirka beeraha Dr. Maxamed Aw Dahir wasiru dawalaha xananada xolaha agasimaha qorshaynta Cabdi Cali lataliyaha madaxwayne ku xigeenka Sakariye iyo xubno kale. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan, iyadoo Hay’addaha Raashinka Dawladda Somaliland iyo Hay’adaaha WFP, FAO iyo wasaaradda Deegan iyo beeruhuu isla jeex-jeexin xal u helida aafadda Abaaraha, sidoo kale ka hortag iyo qorshe laga yeesho sidii Kayd loo samaysan laha.
Geesta kale, dhinacyada arrimahani khuseeyeen, ayaa qola waliba geesteeda waxa ay miiska soo saareen qorshe iyo talooyin wax ku ool ah, Hay’adduhu Xukuumadda Somaliland ku amaanay dedaalka iyo taxaderka yedidiilada leh ee lagaga hor taago aafooyina abaaraha, halka Hay’addaha WFP iyo FAO ay dhankooda damaanad qaadeen inay ka wada shaqeyn doonaan arrimahan ka hor tagga. Si kastaba ha haatee, shirkan oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa la sheegay in meel la isla dhigay wixii laga wada hadlay oo dhan, isla markaana Masuuliyiintii ka socday Xukuumadda iyo weliba Hay’adaha qaramada midoobay ay isla gaadheen qorshe Mustaqbal wanaagsan leh.
↧
Shir lagaga Hadlayey ka Hor-taga Aafadda Abaaraha oo Kulmiyey Somaliland iyo Qaramadda Midoobey
↧