Miisaniyadaha ay wasiir Samsam soo gudbisay daboyaaqadii sannadkii ina dhaafay 2016 waxa ka muuqata ina aan la isku hawlin oo saacadda u denbeysa inta tii hore la soo qaato lambarada uun la kala beddelo iyada oo aan cidna lagala tashan khaasatan wasaaradaha ay khuseeyso. Wasiirku waxa ay caadeyastay in aany soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhaxeeya miisaniyada mala-awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah (actual). Mar haddi taa la waayao oo aay noqoto mala-awalkii sandkii hore oo la garab dhigaayo mala-awaalka sanadkan wax qiima ah oo aay ku fadhida ma jirto. Sadexdaa sanno ee ay Samsam wasiirka ahayd sand qudha may soo bandhigin kharashka runta ah (actual expenditure) ee baxay.
Dakhliga Miisaaniyadanina waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan cabir (projections) xaalada dhaqaale, tu hore iyo tu soo socotaba. Marka la cabiro dakhliga ayaa dabeetana laga fuudh yeelaa baahida hadaba taal iyada oo la kala fadilaayo (Prioritize). Taasi kama muuqato miisaniyadaha ay wasiir Samsam soo gudbiso.
Waxa ka muuqata miisaniyada 2017 siddii ay kuwii horeba uuga muuqatay been abuur cad sida miisaniyada loo qoondeeyay
Qalabka iyo Saanada Ciidamada Dalka ee kala duwan. Lama sheegin
Kharashka Doorashooyinka iyo Kaadh bedalka. Badh maqanyahay
Korodhinta Mushahaarooyinka Shaqaalaha iyo Ciidamada dalka 10% Misaaniyadihii hore ku jirtay
Korodhka Miisaaniyadda Ictiraaf-raadinta. Halkay ku baxdaa?
Kharashka Ciidamada illaalada Shidaalka. Xiligan ma jirto shidaal qodis
Kharashka Gurmadka Abaaraha. Lama hayo halka uu maray
Kharashka Mashruuca Dhiraynta Deegaanka. Ma muuqato
Dhiska iyo dayactirka wadooyinka dalka. Waddadii Ceerigaabo?
Sida aan kor ku xusay kharashka runta ah ee afartii (7) sanno ee hore cidina garan meyso waayo sanad qudha lama soo bandhigin. Waxa se cad ina loo qoondeeyo 2% dib u dhiska gobolada Sool iyo Sanaag bari. Intaasi midna lama dhaqan gelin. Taasina waa denbi qaranka laga galay waayo Halkaana waxa ka cad ina xukuumada Kulmiye hantida ummada sida ay doonto uugu tagri faleyso iyada oo aan haba yareete aanay cidna wax iskaga tirinaheyn.
Ma dhaba ina Dakhliga 2017 Uu Hoos U Dhacay?
Dakhliga Miisaniyada 2017 wax ku cad ina uu boqolkiibaa 60% hoos uuga dhacay kii sanadkii 2016. Taasi waa mid lala yaabo waayo sida ku cad miisaaniyada Wasiirku soo gudbisay:
* Cashuurtii soo dejintu waay koradhay.
* Shaqaalihii xukuumado sid ku cad miisniyada wuu kordhay taa macnaheedo waxa weeyi cashuurta dakhilga shaqalaha (payroll tax) oo korodhay
* Cashuurti macaashal/macaashka ganacsiga oo aad u kordhay sida ku cad miisaaniyada.
* Cashuurtii beriga oo iyana koradhay.
* Waxa kale oo iyana 50% hoos u dhacay dakhliga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale (economic activity) ee dekedda Berbera ka dib lawareegistii DPWorld.
Halkaa waxa ku cad in dakhliga ay dawladu leedahay kor ayuu u kacay waxba ka jirin. In xukuumado dakhliga 2017 aay ka been abuurtay meela badan ayaay ka muuqataa waxa se igaga filan oo aan tusaale u soo qaadanayaa dakhliga laga filaayo dhoofinta xoolaha 2017 waa $0 madaama dalka sucuudi carabia weli si rasmi ah qaadin cuno qabataynta xoolaha Somaliland Cashuurta la yidhaaahdo (live-stock levy) ee xukuumado tidhi waa la filayaa ina aay ka soo hoyato waa $0
Dakhliga Miisaaniyada Ka Maqan
Ugu horeyn Miisaaniyada waxa ka maqan dakhli badan oo aay ka mid yiheen:
1. Lacagta loogu talo galay Laabka (Mishiinka Shaybaadka) ee ku jirta Wasaaradda Caafimadka lacagtaas oo dhan 4,800,000,000 Sl Shilling lagu Wareejiyo Hay’aada Illaalinta Tayada (Quality Control). Wasiirada walaalkeed baa mashruucan qaatay xadhigana Wasiir Samsam baa ka jartay xadhiga gabi ahaanba wey fadhiisteen mishiinadaasi
2. Haamaha Shidaalka
3. Wakaalada Biyaha Hargeysa $4,2$86,546 Hargeysa badhkeed biyo ma leh
4. Haya’da Laydhka Hargeysa
5. Hay’ada Wadooyinka ( Roads Authority) Xirsi dabadii wado lama furin
6. Lacgta Sarifka ka soo baxda ee ku xaroota Baanka-Dhexe Sicir bararka
7. Dakhliga iibka hantida ma guuraaga ah Yaaba og
8. Labada dollar ($8) ee aan buuga gelin ee marka la dhoofayo la iska qaado
9. 2% loogu tala galay Sool iyo Sanag Bari in lagu horamariyo
Dakhliyo kale oo Aan Runta Laga Sheegin
Dakhliga liisamada/ruqseynta macdanta iyo shidaalka
Iibka khayraadka dabiiciga
Dakhliga kaluumeysiga badda
Aujuurada duulista
Dakhliga Cashuurta gadidda (sales tax)
Dakhliga SDF Somaliland Development Fund
Miisaaniyada waxa ku cad dakhliga ah $362,517,393 oo lagu magacabo cashuurta. Hadaba waxa la yaab leh ina aanay jirin sales tax. Meelna laguma qaado. Waxa jirta fiiga kala wareejinta hantida sida baabuurta oo ka duwan sales tax. Waa wax lala yaabo!!!. Siddeebaa cashuur aan jirin oo intaa leeg loogu qoraa miisaaniyada??
Kabka Sarifka Raashinka Ciidanka ee Laga Been Abuuray
Wasiirka maliyadda markii golaha gudida dhaqaalaha ee wakiilado weydiiyeen lacagta adag ee dollarka ah ee ka soo xarootay madaarada sida ka Hargeysa maxa miisaniyada loogu soo dariwaayay iyo waxa lagu qabto waxa ay ku jawabay waxa lagu kabaa raashinka ciidanka.
Jawaabtaasi waa soof daran habaabis. Marka hore raashinka ciidanka xukuumado suuqa ayay ka soo iibsataa ee iyado debada raashin kama keento. Halkaa waxa ku cad in aan xukuumado u bahneyn dollar ay ku soo iibsato raashin. Marka labada raashinka waxa bixisa hay’ada WFP inta badan ama dalaka Turkiga iyo Emaaraatka.
Waxa kale oo iyana lacag adagi (dollar) ka soo baxda ganacsata wax dhoofisa oo lagu qasbo ina aay metalan neefkiiba ka soo celiyaan $10 oo loogu sarifo sarifka officialka ah oo ah 10,000 oo Somaliland ah. Daraasad hore loogu sameyay lacgta adag ee sarifka ka soo gasha xukuumada ina aay kor u dhafto afar iyo toban millon oo dollar (14 million dollar). Halkaa waxa ku cad ina aany wasiiradu runta sheegayn. Taasina waa denbi qaranka laga galay.
Naafada iyo Agoomaha La Hafraayo
In Lacagta Kaalmada ah ee loogu talo galay Dalada Naafada Qaranka lacagtaas oo dhan 400,000,000 Sl Shilling la hoos geeyo Wasaaradda Arimaha Bulshada iyada oo la raacayo habraaca Maamulka, Xisaabadka Iyo Maaliyadda Qaranka JSL.. Waa wax lagu qoslo.
Maansha alaa haddi ay naafada iyo agoomha kharashka inta leegi ku baxeyso!!!. Haddi taasi jirto waxa aaynu la mid nahey wadanada qaniga ah (rich countries).
Qaybinta Miisaaniyada Weyn Waa sidee?
Miisaniyado waxa ay ka koobantahey todoba iyo afartan (67) waaxood oo isugu jira wasaarado iyo hay’ado. Hadaba shanta uugu miisaniyada weyni waa kuwan hoos ku qoran:
Kharashka Guud ee Miisaaniyadda Sannadka2017.
M/Xige FaahFaahin Sannadka 2017 Percentage
210 Kharashka Shaqaalaha 723,630,739,156 48.90%
212 Kharashka Adeega Shaqaalaha 8,696,737,200 0.60%
2210 Kharashka Isticmaalka Adeega Hawsha 355,794,665,394 24.10%
2220 Kharashka Isticmaalka Alaabta Hawsha 149,729,114,040 10.10%
2230 Daryeelka iyo Dib-u Dhiska Dhismayaasha 19,261,141,611 1.30%
2710 Iibsiga Hantida Raagta 51,436,841,720 2.30%
2720 Dhismayaasha Cusub 65,120,000,000 4.40%
2510 Kabka 6,095,250,079 0.40%
2630 Kalmooyinka Qaybaha Kale ee Dawladda 36,167,390,800 2.40%
2650 Wareejimaha Lacagaha aan Deeqaha ahyn 52,734,942,000 3.60%
2660 Keydka Qaranka 8,000,000,000 0.50%
2810 Bixinta Deymaha Qaranka 32,133,178,000 1.40%
Deeqda Baanka Aduunka 44,404,022,280 2.86
Total 1,553,204,022,280 100%
Kharashka aan 2017 Lagu Tala Gelin
* Kaalmada Abaaraha??
* Dorashooyinka dawladaha hoose iyo ta barlamaankaba??
Kharashka Ilaalada Madaxtooyada
Kharashka ilaalada madaxtooyda loo qoondeyay waxa uu dhan yahey $840,187 oo anu mushaharku ku jirin. Haddi aay wasaarad gaar ah ahaan laheyd waxa aay noqon laheyd wasaarada 13-naad xaga weynida marka laga eego. Waxanay ka weynaan laheyd 52 wasaaradood oo aay ka mid yiheen beeraha, ciidanka xeebaha, ganacsiga, hawlaha guud, warfafinta IWM.
Kharashka Ku Baxa Nabad Sugida
Kharashka ku baxa nabad sugidu waxa uu dhan yahey $41,092,113. Kaasi oo noqonaaya.
1. Ciidanka qaranka $25,450,118
2. Bileyska (police) $8,746,298
3. Ciidanka asluubta $3,387,384
4. Gaashaandhiga $2,400,487
5. Ilaalada madaxtooyada $680,187
6. Ciidanka xeebaha $360,587
7. Wasarada daakhiliga-nabadgelyada $250,393
8. Guurtida -nabadgelyada $100,019
Wasaarado Dhawr Miisaaniyadood Kala Leh
Labada wasaradood ee kala ah difaaca iyo garsoorka (cadaalada) waxa ay kala leeyihiin dhawr miisaaniyadood: wasarada difaaco waxa aay leedahay laba (2) miisaniyadood oo kala ah ta ciidanka qaranka iyo ta wasaarada difaac oo gaar ah.
Sidoo kale wasaarada garsoorku waxa aay kala leedahey saddex (3) miisaaniyadood: ta maxkamadaha hoose; ta maxkamada sare iyo ta wasarada caddaalada.
Sababtu waa maxay? Sida uu sheegay wasiir Cadami wasiirka difaaco ma xukumo ciidanka qaranka. Ciidanka qaranku waxa uu toos u hoos yimaadaa madaxtooyada. Wasiirka difaaco waa magac u yaal aan awoodiisu dhaafsaneyn xeyn shaqaala ah oo wasaraada difaac hoos fadhida.
Sida oo kale xukaanta fadhiday maxkamadaha waxa aay toos uugu xidhan yihiin madaxtooyada. Wasiirka cadaaladuna waa magac u yaal.
Deynta iyo Deeqda
Deynta iyo deeqda miisaniyada ku cad waxa aay dhantahey $7,394.575. Taasi oo miisaniyada ka ah 2%:
Deeqaha iyo deynta $4,256,596
Deeqda D/Hoose $960,231
Deeqda dekada Berbera $600,691
Deeqda iyo deynta cidda laga amaahday amba ku deeqday wasiirku wuu diiday ina uu sheego. Qaynuunkuna waxa ku qayaxan wixii deyn ah ee magaca waddanka lagu gelaayo waa in uu golaha wakiilado ansixiyaa. Taasina ma dhicin sababta oo ah xildhibaanada muxaafidkaa lagu naasnoojiyaa qayb ka mid ah
Kharashyada La Yaabka Leh
Isticmaalka nalka iyo biyaha $988,485 waxa xusid mudan Gudoomiyaha Kulmiye nalka dowladaa ka bixisa
Iibsiga qalabka nalka iyo biyaha oo sanadwalba taagan $60,915
Qareenka saboolka $1,630
Tababarka wershadleyda $1,150
Sideey la yaabka u leeyhiin? Wasaarad qudha madaxtooyadan ku dhahoo oo nalka iyo biyo bixisaa ma jirto haba yaraate. Madaxtooyado nal iyo biyo toona weligeed may bixin hadana sanad walba way u qorantahey. Waxa taa ka sii daran miyaad aragtay iibsiga qalabka nalka iyo biyaha oo sanadwalba taagan. Sanad walba miyaay guuraan oo galaan meel cusub oo la soo gelinaayo nal iyo biyo. Miyaanay aheeyn mid lala yaabo!
Xukuumado ma qareen ayay u qabata dhibanaha dan yarta ah ee an awoodi karin qareen?. Jawaabtu waa maya. Mise dadka warshedleyda ah ayay tababar u qabataa? Iyana waa maya.
Kharashka Xisaab Xidhka
Wasiirku markii la weydiiyay waxa ay u soo gudbin waysay xisaab-xidhkii sanadihii hore waxa uu ku jawabay shaqada waxa aay khuseysaa hanti-dhawrka. Su’aashu hadaba waxa aay tahey kharaskan xisaabxidhka ee dhan $80,770 ee ku jira miisaniyada wasaarada maliyada waa maxay? Jawaabta waxa laga sugayaa wasiirka.
Kharashyada aan Macnaha Sameynen
Kharashka ururka NOW $55,287
Kaalmada bahweynta Maandeeq $12,938
Haya’da NOW waa NGO xukuumada loogu adeego. Waana xaaraan ina xoolaha dawlada lagu isticmaalo.
Sonyo iyo Solja iyagana lacag baa ugu jirta miisaniyada sababtuna ma cadda
Mashaariicda Horumarinta (development projects)
Kharashka loo qoondeyay mashariicda horumarka waxa uu dhan yahey $200,837. oo ka yar 1%.
Warshada laydhka ee Berbera $2,062,295 Kharashka Ku Baxa Laydhka Berbera miisaaniyadihii horena wuu ku jiray
Kharaska ilaa maanta ku baxay Balaadhinta iyo hirgelinta Laydhka Berbera waxa uu dhan yahay $1,432,310: Taasi oo kala ah sidan:
Miisaaniyadii Sandkii 2013 $301,918
Miisaaniyadii Sankii 2014 $443,287
Miisaaniyada Sanadkan 2015 $336,882
Miisaaniyada 2016 $350,223
Talow Berberi ma ka haqab beeshay laydh????
Mushaharka Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Madaxtooyada
Miisaaniyada loo qoondeeyay Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasaarada madaxtooyadu waxa ay dhan tahey $3,081,911. Taasi oo ah 8%
Mushaharka Madaxweynaha $11,000 bishii
Mushaharka Madaxweyne-Ku-xigeenka $8,000 bishii
Wasaarada Madaxtooyada $2,175,104,355,662
Waxa aan ku soo gebogebeynayaa wax yaalo kale oo badan ayaan naqdiyi lahaa laakiin maanta intaasi ayaan ku dhaafayaa. Hadii aad damacdo inaad hubiso lambaradaa aan soo qoray waxa aad ka duushaa S/L Shilling Sarifka oo ahaa: $1=6,500 sanadkii 2009 Kulmiye hortii maanta wuxu marayaa $1=10,000.
Bille Hamud is a Certified Public Accountant with HamudCPA and a member of the Waddani Party of North America.