Wefti uu Hoggaaminaayey Murashax Cirro oo Si Meeqaam Sareysa Looggu Soo Dhaweeyey Degmada Allaybaday iyo Deegaanada Hoos Yimaada+ Taageerayaal Ku Soo Biiray Xisbigaasi oo Xaflad Loo Sameeyey[+SAWIRO]
Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo oo saaka socdaal ugu baxay degmada Tog-barwaaqo ee Allay-baday ee gobalka Gabilay, ayaa si meeqaam sareysa looggu soo dhaweeyey deegaanada hoos yimaada degmadaasi oo ay ka mid ahaayeen Geed Abeerah, Harcadaad, Xidhinta, Tincada iyo weli ba degmada Allay-baday oo ay duleedka magaaladaasi kaga hor yimaadeen taageerayaal tiro badan oo si weyn u muujinaayey dareenkooda isbedal doonimo.
Weftigan oo ujeedkiisu daarnaa soo dhaweyn Xisbiga WADDANI u sameynaayey wax-garad iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Abiib Tima-cad, xoghayaha beeraha ee Xisbigaasi Daa’uud Food-cadde, xubno ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba saraakiil kale oo aad u tira badan.
Qaar ka mid xubnahii ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo uu horkacaayey odey caan ka ha deegaanaddaasi isla mar ahaantaana si weyn loogga qadariyo oo magaciisa la yidhaahdo Aw-xareeye, ayaa waxa ay dhammaantood ba cod dheer ku muujiyeen in ay ku faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, iyaga oo sheegay in Xisbigaas ay u arkaan in uu yahay xisbiga keliya ee maanta dalka ka saari kara marxaladda adag ee uu ku jiro isla mar ahaantaana u horseedi kara horumar, cadaalad, sinaan iyo weli ba Ictiraaf dhaba oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka
“Walaaleyaalow ciddii aanu isku dan aheynay, ciddii aanu isku xidhneyneey waanu ka guurnay Xisbigii KULMIYE, waxaana aynu ku biirnay Xisbiga WADDANI oo ah xisbiga keliya ee maanta dalka horumar gaadhsiin kara. Reer Alley-badoow, waad ogeydeen wixii la ina badey in la inagu yidhi KULMIYE kama tartami kartaan, dhibbaatada iyo wax-qabad la’aanta aynu kala kulanayna waad og tihiin, markaa maanta waxa innoo balan ah in aynu codkeena ku mideyno WADDANI.”. Ayey yidhaahdeen Wax-garadkii iyo taageerayaashii halkaas ka hadlay.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Xoghayaha Beeraha WADDANI Md.Daa’uud Food-cadde, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Madaxa Ololaha WADDANI Xamse Kheyre, Siyaasi Cali Cantar, Diblomaasi Cali Aadan iyo weli ba saraakiil kale oo aad u tira badan, ayaa iyagu na dhammaantood ba si aada u soo dhaweeyey taageerayaashaas ku soo biiray Xisbiga WADDANI.
Siyaasi Ismaaciil yare oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Waa noo farxad in walaaleyaal aad maanta Xisbiga nagu la soo biirtaan, waxaanan idiin sheegayaa anagu aad baanu u naqaanaa shaqada KULMIYE oo aad baanu idiin la soo jeedaynaa imika na anug maba seexdo oo waynu iska dhicinaynaa KULMIYE. Xukuumaddan KULMIYE na waxba idiin ma hayso maanta, waxaad kaga quusataan in aanay cadaalad haynin maanta Xirsi oo qalinka gacanta ku haystay baa iskaga soo dhaqaaaqay, dalka na maanta Mujaahidnimo la iskuma dooranayo qofka ina hoggaamin karaana waa Cirro..”. Ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil yare.
Siyaasi Abiib-timacad, ayaa waxa uu isna yidhi:- “Wax walba waanu soo eegnay, ragga tartamaaya na waanu soo wada tijaabinay, ninka keliya ee maanta dalka lagu aamini karaana waa Cabdiraxmaan Cirro, waxa aan idin lee yahay mar labaad waar maanta codkiina ha eersanina reer Alleybadayoow, balanteenu na waa WADDANI.”.Siyaasi Abiib Tima-cad
Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyey, ayaa waxa ka mid ahaa: “Waxa aan halkan boggaadin uga dirayaa taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga aniga oo ku amaanaya doorashadooda iyo sida ay sahanka u sameeyeen, waxaanan lee yahay ninkaa odeyga ah ee Aw-xereeye isha Allah adna waad gaadhi doontaa xildhibbaanimadaada Guurtida oo codkaaga nool baad ku mateli doontaa shacabkan.”.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa isna dhankiisa ugu dambeyntii u mahad-celiyey taageerayaashaas ku soo biiray isaga oo sheegay na in Xisbig WADDANI loo siman yahay bari illaa galbeed. “Sida aad noo soo dhaweyseen baanu aad iyo aad idiin ka mahad-naqeynaa dhammaantood ba dadkaa maanta go’aansaday in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI iyaga oo runtii yaqiinsaday in meesha maanta dalka laga badbaadin karaa ay WADDANI tahay, waxa aan si gaara ugu mahad-naqayaa habalaha oo ay ugu horreyso Sahra Xaaji Gaydh. Xisbiga WADDANI waa meel la wada lee yahay oon la kala lahayn, xilalkeeda na waa ay u siman yihiin muwaadinka Laasqoray jooga iyo ka Saylac jooga ba.”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro







































