Hargeisa-(Qaran-news)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa goor dhaweyd loo doortay Baashe Muxumed Faarax oo Hal cod ku maquuniyey Xildhibaan Talyaanle.

Gudoomiye Baashe ayaa degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool inkastoo uu ku yimi booska xildhibaanimada qaab isxanbaara halka Xildhibaanka tartanka adagi dhexmaray oo ay isku beel yihiin laga soo doortay Gobolka sanaag.
Baashe ayaa helay 39 cod halka xidhibaan Talyaanlena helay 38 cod.Qasriga Madaxtooyada & Xisbigeeda kulmiye ayaa orod iyo gucle u galay sidii Baashe ku iman lahaa Kursigaas Cabdiraxmaan Cirro baneeyay.
Geesta kalena Xildhibaan Talyaanle ayaa isaguna helay Taageerada iyo Codadka Xildhibaanada Xisbigu uu ka tirsan yahay ee Waddani