Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Xadhig Sharci-daro Ah Kula Dhex Kufay Oday Burco iyo Berbera-ba Magac iyo
Badhasaabka gobolka Togdheer Mr Ramaax oo markii shaqadii gobolka ee loo doortay uu ku fashilmay ,mudooyinkii u danbeeyay waday Xadhig iyo Tacadiyo uu u gaysanaayo dadka bulshadda Somaliland iyo reer Burco-ba magaca iyo Maamuuska ku leh ayaa xabsiga Burco u taxaabay maanta Musharax Ismaaciil Cabdi (Kashiito) oo ka tirsan musharaxiinta Xisbiga Waddani ee Togdheer .
Musharax Ismaaciil (Kashiito) ayaa marka laga tago xilka Golaha Wakiiladda ee uu tartamaayo ah Oday Masuul ah oo gobolka Togdheer iyo Deegaamadda kale-ba Sumad iyo Karaamo ku leh ,waxaanu ka mid yahay shakhsiyaadka ku suntan gurmadka bulshada iyo Horumarinta shicibkiisa ee la ixtiraamo.
Ilaa iyo hada la garan-maayo sababta uu Masuulkan u xidhay Badhasaab ,Ramaax ,laakiin masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo Qarannews la soo xidhiidhay ayaa sheegay in uu ka uriyay Xisbiga Waddani ,dhaqankaasi oo uu Gudoomiyihu caadaystay.
Waxaaney Masuuliyiintan Xisbiga Waddani si weyn u cambaareeyeen Xadhiganasi uu Ramaax kula kacay Aqooyahan Kashiito ,taasi oo ay ku tilmaameen mid sharcidaro ah ,oo weliba Ceeb iyo Fadeexad ku ah Ramaax ,isla markaana ixtiraan-daro ah.
Geesta kale Badhasaab Ramaax ayaa mudadii uu gobolka Togdheer joogay ,waxa uu ka shaqaynaayay sidii uu gobolkaasi horumarka iyo sumcadaba uga la dagaalami lahaa ,taasi oo uu caan ku noqday.