Qofka maanta ku dooda Doorashadan mudaysan ee dhowrka jeer dib loodhigay ayaa la carqaladaynayaa, La yaab malaha, Maxaa yeelay wuxuu ka saadaaliyey saan saanka muuqda, ifafaalada muuqata iyo saadaasha aan saalooneyn ee muranka ka dhex aloosan Golaha Wakiilada Somaliland .
Dimuqraadiyada S/land waxay ka bilaabantaa oo bud-dhig iyo baleysinba u-ah, Golaha Wakiilada JSL ee shacabku codkooda ku soo doorteen ( Representative Democracy ) si ay ugu adeegaan danta guud ee shacabkii doortey ee dirtey .Xilka shaqo ee Xeer dejinta ( Golaha Wakiilada iyo Guurtidu ) wuxuu leeyahay xasaanada gudashada xilka qaran ee saaran xildhibaan kasta ee loo dhaariyey, mana aha in Golaha fulinta ee xukuumadu ay soo faro geliyaan Golayaasha sharci dejinta si ka baxsan sifaha sharciga ah.
Marka ay isku milmaan rukumada iyo awoodihii dawladadeed ee waaxyaheeda kala duwan sida fulinta iy Garsoorku waxay caqabad cakiran ku noqonaysaa hirgelinta hawlihii dawladnimo, Waxaana ay ragaadinaysaa habsami u socodkii hanaankii iyo hab-dhaqankii dawladnimo, waxaana ay wiiqaysaa hayaankii iyo higsigii qaranimo.Taa soo iyana sii galaafan doonta Geedi socodkii himiladii Dimuqraadigii curdinka ahaa ee Somaliland ku taamaysay mudada dheer.
Golaha Wakiiladu iyaga raacaaya Dastuurka JSL iyo Xeer hoosaadkiisa ayey qabsadeed fadhigii ku mudeysnaa 6/8/2017 fadhigaas oo loogu balansanaa in lagu doorto Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL maadaama uu xilkii ka degay Gudoomiyihii Golaha Wakiilada JSL mudane A/rahman Moxamed Abdillahi “Ciro ” taariikhdu markay aheyd 2/8/2017. Waxaana uu Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada JSL uu qeexaayo in mudo kooban oo 7 cisho ah lagu soo buuxiyo jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee banaanaata.
Hadaba labadii musharax ee u tartamaayey jagada Gudoomiyenimada Gollaha Wakiilada JSL ayaa ku muransan hal number oo ay is dheer yihiin. Somalidu waxay ku maah-maahdaa ” Madaxa meel ka sareysa oo la salaaxaa ma jirto ” Markaa hadii aan maanta sharciga loo soo noqon oo aan nin jecleysiga lasyka dhaafin oo aan milgaha iyo maamuuska uu Golaha Wakiilladu u leeyahay Qaranka Somaliland aan la ixtiraamin maadaama waqti xaas-xaasi ah hada lagu jiro waxaa dhalan karta khatar,khal-khal siyaasadeed, nabad-gelyo la’aan iyo cawaaqib xumo aan laga soo waaqsan Karin.”
Sidaa daraadeed Waxaa Maxkamada Dastuuriga ah iyo Maxkamada Sareba laga rajeynayaa in ay dacwadaa loo soo gudbiyey ee muranka halka cod ay ku muran sanyihiin labada musharax ay baadhaan, dersaan oo sida xaqa ah u kala saaraan labada xildhibaan ee kursiga ku tar-tamaaya si uu Goluhu uguto una sii wato howl-maalmeedkiisii caadiga ahaa. Waxaa iyana Maxkamada Dastuuriga ah laga codsanayaa in ay tixgeliso is cadeynta iyo dareenka dhabta ah ee ay bixiyeen 39-ka Xildhibaan ee u codeeyey Xildhibaan A/rahman Talyanle.
Alleh ayaa Mahad Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED Personal Advisor
United Kingdom, London.