$ 0 0 Sawirkani waa madaxda ugu sarysa xisbiga Kulmiye iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahana musharaxa xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, sawirkani waxa uu kuu cadaynayaa qanaca, niyad jabka iyo muraara dilaaca ay qabaan xisbiga iyo xukumadda Kulmiye, taasi oo ay ogaadeen in 3 gobol ee Togdheer,Sool iyo Sanaag ay gabi ahaanba gacantooda ka baxday una gacan gashay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani xisbiga Waddani ayaa hore u hantay gobolada galbeedka oo ay ku jiraan Awdal iyo Maroodi jeex iyo Saaxil Isku soo wada duuboo sawirkani waa kii ugu argagaxa badnaa ee laga qaado hogaanka iyo xukumadda Kulmiye