Siyaasada Am-sadeer,Moxamed Aw-Cali Cabdi ee ku wajahan Awdal.
Ka sokow Somaliland oo uu u noqondoono Madaxwayne ku xigeen,ka sokow Xisbiga uu ka tirsanyahay ee Wadani iyo siyaasada wadanka lagu hogaamindoono,waxaa Jira dhibaataayin Reer Awdal u gaar ah oo meesha ka bixidoona.Dadka Reer Awdal waxay u gudbidoonaan meel ka duwan meeshay kaga jiraan Siyaasada oo waxay la jaanqaadidoonaan Somaliland inteeda kale.
Hadii aan mid mid isku dultaagno waxa uga qorshaysan gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal waxaad arkaysaa inuu waa cusubi u baryay Reer Awdal xagga siyaasada.
(1) Reer Awdal oo yeelandoona hogaan siyaasadeed oo ka masuul ah dhulka iyo dadka.
(2) Reer Awdal oo qaybtooda ka helidoona dhaqaalaha ama caawimada soo gasha Somliland.
(3)Oday dhameedka oo laga fadhiisindoono siyaasada,waay?Reer Awdal waxaa soo daashaday Oday-dhaqameed maamulkasta taageera oo marka uu dumana ka kale ee cusub si dhibyar ula shuraakooba oo danahooda halkaa ka fushada.Maamulkasta way la dhacaan ama way la dumaan – kan kale ee cusubna way la kowsadaan.Waxay isku magacaabaan”Madax-dhaqameedka” Gobolada Galbeedka,dadna way kala fogeeyaan.Marna kama horyimaadaan maamulkasta oo dhulkaa soo mara.Fadhigoodo waa Magaalaga Borama oo halkaa geesna uma dhafaan.Halkaa ayay ku sugaan maamulkasta oo yimaada.Way jiraan qaar isku sheega siyaasiyiin,laakiin waxay hoos tagaan Oday-dhaqameedka dadku u dabranyihiin ee Suldaamada sheegta.
(4)Maxamed Aw-Cali Cabdi wuu ka taqalusi doonaa Odaydhaqameedkaasi oo Samaroon wuxu yeelandoonaa rag hogaamiya siyaasadooda.
(5)Shirkadaha macdanta ka qota Awdal waa laga saaridoonaa Awdal – waana lala xisaabtabtami doonaa noocay doonaan ha noqdaane.
(6)Dariiqa Borama Jabuuti waxaa la wareegidoonta Dawlada soo socota ee Xisbiga Wadani.Sidii caawimo loogu raadin lahaa ayaa la qorshayndoonaa – ma jirindoono inay Oday-dhaqameedkii soo xidhaan waji kale oo qurba joogta lacag looga urursado.
(7)Dikadda Lughaya waxaa dhisidoonta dawlada iyo dadka Reer Awdal ee maalgashiga raba – dhulku wuxuu ku soo noqondoonaa gacabta dadkii lahaa.
(8)Awdal waxaa maaulidoona dad Reer Awdal ah oo dhicimayso in Dumarka Reer Awdal lagu bahdilo Lawyacdo ama Zeylac.
(Dhicimayso in cashuurta Zeylac iyo ta Bebera kala qaalisanaadaan oo ta Zeylac ka qaalisanaato dhamaan degaamada kale ee Somaliland.
(9)Ilaalinta dhulka,danta guud,dadnimada Reer Awdal iyo sharafta Samaroon ayaa noqondoona kaalinta kobaad.
Si loo gaadho himiladaasi oo Reer Awdal dadka u la jaanqaadaan ogolow isbadalka oo fikirkaaga balaadhi.Ma jiro dad guulaysta iyaga oo aan keenin wax isbadal ah – ha noqdo noockasta oo nolosha kamid ah.Ma jiro Reer Somaliyeed oo iska daba gala Oday aan waligii meel u shaqa tagin oo iyaga ka shaqayta.Reerkasta waxaa hogaamiya aqoon yahan wata siyaasada ka jirta degaanka.Kuwaasi waxay waajihii karaan waxyaabaha ka Jira degaanka.Isbadalka ayuu ku jiraa Mustaqbalku,waayo?Shalay waad soo martay – maaanta isbadalkii lagu hagilahaa Da’yarta Reer Awdal ee waayay meel wax laga bilaabo.
Waxaan idin leehay dadmida iyo dalmida.
Wabillahi Tawfiiq
Axmed Adan Xuseen.Luton Uk