
“SIYAASAD GABAWDAY WAA WAXA HALKAASI INNA DHIGAY EE DHABARKA INNAGA JABIYEY, WAXA LOO BAAHAN YAHAY SIYAASAD DHALLINYAR OO LA JAAN QAADDA WAKHTIGA IYO IS BADDAL DHAB AH” …SIYAASI CABDIQAADIR CALI OBSIIYE
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo loo yaqaano Madaxweynaha Mustaqbalka ayaa si adag u naqdiyey qaabka ay u dhaqmaan siyaasiyiinteena maanta joogtaa kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo umaddan ragaadiyey muddo dheerna soo hor taagnaa oo wax alla wax cusub oo ay umadda u hayaan aanay jirin isaga oo ku baaqay in fursad la siiyo ay umaddooda ugu shaqeeyaan dhallinyarada aqoonyahanka ah ee diinta iyo aqoonta leh ee umaddooda ka samata biixn kara dhibka ay la soo darseen nus qarniga muddoda ka badan.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Cumar Obsiiye oo ka mida Siyaasiyiinta reer Somaliland ahna Siyaasi Madax-bannaan, ayaa farriin tallooyin iyo waanno ah u jeediyey Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), golaha Wakiillada ee Khilaafku ka taagan yahay iyo Saddexda Murrashax Madaxweyne ee Xisbiyadda UCID, Kulmiye iyo Waddani ku hirdamaaya doorashadda soo socota ee Madaxtooyada.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Cumar Obsiiye oo sido kale loo yaqaano (Madaxweynaha Mustaqbalka ee Somaliland), ayaa shalay isaga oo Saxaafadda Hargeysa kula hadlaayey, waxa uu fariimo waano iyo talooyin dhaxal gal ah iskugu jira ka diray Khilaafka ka taagan golaha wakiilada ee Somaliland oo doorashadii Guddoomiyaha golahaasi wali hadal ka taagan yahay, waxaanu sido kale masuuliyiinta Xukuumadda xilalka ka haya ugu baaqay inay sharafka iyo karaamadda Madaxweynaha wakhtigu ka sii dhamaanayo ee md Axmed Maxamed (Siillaanyo) dhawraan isaga oo sido kale fariimo u diray Madaxda Saddexda Murashax Madaxweyne ee Xisbiyadda Qaran.
Cabdiqaadir Obsiiye oo ugu horeyn ujeedka fariimaha iyo talooyinka uu ka hadlay faahfaahinaayey waxa uu yidhi “Somalidu waxay tiraahda hadalka waxna waa naf waxna waa neef, in badan ayaan soo jeediyey talo iyo waano, waxaana leeyahay dhegaha u fura oo haydinku duxdo hadii kale wakhtiga ayaa idin waanin doona, Xabashida ku maahmaahda qofka waani oo waani oo waani, hadii uu diido wixii aad ka waaninaysay ayaa waanin doona, waayo qofka hadii aad ku tiraahdo waar dabka iska eeg oo uu ku maqli waayo marka uu ku joogsado Axdaasi uu damqado ayaa odhanayaa walaahi run ayuu ku sheegayey, marka waxaan leeyahay wakhtiga ayaa idin waanin doona waxaana iman doona wakhti ay dadku idin la xisaabtamaan idinkuna isku qoomamaysaan waanada iyo wakhtiga idin dhaafay waxaan leeyahay Xukuumadda siiba Madaxweynaha iyo kuwa ku xeeran ayaan sheegayaa ee la taliyayaasha u ah, madaxweyne waddankan in badan ayaad u soo halgantay oo wixii aad soo qaban karaysayna waad soo qabatay oo wakhtigaagiina waa gebo gebo mid ku dhaw waxaana lagu ducaysta Khaatumadda Illaahoow khayr noogu khatin ee mudane Madaxweyne waddankan sidii xilka aad kula wareegtay waad garanaysa ee si ka wanaagsan mooye si ka xun ha kaga tegin ayaan kugu la talinlaa, kuwan ku xeersana wasiiro ama la taliyayaal kay doonaan ha noqdaane waxaan leeyahay waar odayga taariikhdiisa dambe ka taliya”
Siyaasi Obsiiye waxa uu inta ku daray “Waxaan raacinayaa golayaasha khilaaf ayaa baryahanba ku dhex jiray yacnihii ceeb ayey inagu tahay khilaafka soo noq noqonayaa, waxaanan leeyahay waar malaha iskuma arkaane golayaasha Qaranku waa meelihii Muraayadda dalka laga fiirsanaeyey, waxaan leeyahay waar muraayadii qaranka isku aragtaan ee idinka ayaa isku muuqda waxaan leeyahay waar wixii khilaafa dhulka dhiga oo u soo jeesta sidii dalkan iyo dadkani hore ugu marilahaa, waxaad dhulka dhigtaan xisbiyada oo Xisbi ahaan, Qabiil ahaan iyo siyaasaddan munaafiqadda ah inta aad ka gudubtaan waxaad u gudubtaan sidii dalkan iyo dadkan aad ugu keeni lahaydeen hogaamiye wanaagsan oo wadankan iyo dalkan badbaadiya, dadka reer Somaliland-na way idin soo wada eegayaan oo Somaliduna waxay ku maahmaahda waar saddexda Mutuxan iska ilaaliya waa Isha, Farta iyo Carabka waar hadii saddexda laydinku fiiqo oo la yidhaahdo ma kuwaa waar sii tamarin maysaan oo hadii aydaan xaalkan iyo sidan aad tihiin wax ka bedelin taariikhda ayaa mar dambe laydinku sheegi, waxaan idin leeyahay wadanka dhismihiisa u soo jeesta oo wadanku in uu maanta isbedel iyo cid badaadisa u baahan yaahy u doora ayaan idin leeyahay, waxaan inta raacinayaa nimankan siyaasiyiinta ee Saddexda Xisbi ka sharaxan waxaan leeyahay waar siyaasaddiinu way gabawday in badana waan idin la hadlay haseyeeshe waxa la yidhi Caduur dhaw dhawdu uma dhacsana , waar maanta wadanku idiin ma baahna ayaan leeyahay oo waddanku siyaasad gabawday uma baahna waayo nin aan dhawr sanno la soo dooran iyo mid aan dhawr iyo labaatan sanno umadda hortaagneyn ma lihidin waxaan leeyahay waar maant wakhtigiinii maaha ee waa wakhtigii isbedelka”