Taliyihii Qabtii 26aad ee xukuumadii guuldareysatay General Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo markaasi ka talinayey Magaalada hargeysa ayaa marka uu meel booqanayo wuxuu inta badan kaxaysan jirey 5 shan baabuur oo ilaaliya isagoo weliba joogey magaalo uusan u dhalan oo uu denbiyana ka galay.
Waxaa hadaba la yaab leh in Siilaanyo oo isagu ka soo jeeda Somaliland in kasta oo uu ku dhashay kililka 5aad ee dalka Ethiopia uu maanta marka uu meel kamida magaalada hargeysa booqanayo lagu ilaaliyo 60 Lixdan baabuur oo kuwa dagaalka ah.
Isweydiintu waxay tahay maxaa ku kaliifey ilaalinta intaasi le’eg,yuuse ka baqanayaa,su’aashu way fudutahay waana sidan hoos ku xusan:-
1. Siilaanyo wuxuu shacabka somaliland ka galay denbiyo Dagaal,iyo dhagaro ka dhan ah binu’aadamnimada(War crimes and crimes against humanity*).
2. Siilaanyo waa keligii taliye,keligii taliyuhuna waa fuley.
3. siilaanyo wuxuu waayey kalsoonidii shacabkii soo doortay sidaasi darteed wuxuu shacabka u arkaa cadawgiisa .
way badan yihiin runtii waxay kaliifay in uu isku xeero 60 lixdan baabuurta gaashaaman ah.
Isku soo wada duuboo Siilaanyo waa fuley kalsoonidii shacabkiisa waayey dad iyo duunyaba wuxuu u arkaa cadow,wuxuuna ogyahay jariimada iyo khaayin’nimada( Treason) uu ka galay dadkiisa iyo dalkiisa,wuxuuna ka baqayaa in uu bixiyo qiimahaasi( paying the price).
Somalilandcitizen.