Haddii Xildhibaan Baashe Maxammed Faarax uu arrinka uu ka sameeyay Baarlamaanka Somaliland maanta ka samayn lahaa dalalka Qaanuunku shaqeeyo sida UK oo kale waxaa lagu heli lahaa dembi uu xadhig ku mutaysto, tusaale ahaan dalka UK Waxaa qaban lahaa qodobadan sharci ee soo socda:-
Xeerka Tuuganimada ee dhaqan galay 1968 (The theft Act 1968) farqadiisa 9aad oo khusaysa Jabsiga (Burglary).
I) Guri (dwelling)
II) Dhisme (Building
III) Qayb Dhisme ka mid ah (part of a Building.
IV) Waxyeelayn sharci-darro Dhisme (doing unlawful damage to a dwelling or a building and,or part of a building).
Dhammaan qodobadaas sare waxay xambaarsan yihiin fal dembiyeedyo lagu mutaysto xadhig kasoo ah sidan hoose:-
Jabsi Guri- ciqaabta ugu dheer waa 14 sanno oo xadhig ah.
Jabsi Dhisme ama Qayb Dhisme iyana ciqaabta ugu dheer ee lagu mutaysan Kaaraa waa 10 sanno oo xadhig.
Waxa kale oo qayb ka ah ciqaabta oo gaar loo qiimaynayaa waxyeelada Guriga ama Dhismaha loo gaystay waxaana ciqaabta ku jiraysa ganaax ama magdhaw.
Ciqaabaha ugu badan ee Fal Dembiyadeedyadaas sare Maxkamaduhu xukumaan ayaa u badan 2 sanno ilaa 3 sanno. Haddii aanay jirin duruufo kale sida dhaawacyo.
Sidoo kale Farqada 10aad, qaybteeda 1aad ayaa khusaysa haddii jebinta ay dheer tahay gacan-ka-hadal ama ku talogal gacan-ka-hadal loo adeegsanayo noocyada hubka (aggravated burglary) taasoo ka sii ciqaab culus.
Haddaba haddii tusaale ahaan Xildhibaan Baashe maanta uu soo qaatay Dubo uu ugu talogalay inuu Madaxaa ku qarxiyo ciddii jabsiga Xafiiska iska hortaagta sida Talyanle ama Gudoomiyihii hore Cirro oon weli Xilwareejin samayn horena Xildhibaanka Bidixdaa midh uga dhiibay iyana waa arrin hawsha ku sii cuslayn lahayd Xildhibaanka. Waa haddii Qaanuun meesha yaalee.
Inkasta oo Xafiiska uu jabsaday yahay Xafiis dawladeed oon ahayn mid shaksi haddana Waxaa suurtogal ah inaan Gudoomiyihii hore weli xamaantiisii uu gaarka u lahaa weli ka wada guran.
Tusaale ahaan, waxaa inta badan dhacda oo iska caadi ah in xafiisyada dadku dhigtaan waxyaabo ay shaqsi ahaan u leeyihiin (personal belongings) sida sawirada carruurta iyo xaaska oo kale maadaama ay saacado badan ka maqan yihiin qoysaskooda, Koobab khaas ah oo shaaha ama koofiga ku cabaan, qalimaan, souvenirs iwm.
Haddii markaa Gudoomiyihii hore alaabo shakhsiyi u taalay oo xafiiska uu ku jabsaday maanta iyana waxay culays kale ku kordhinaysaa kiiskiisa.
Arrinka Xoghayaha Codadka is waydaariyay ee dhibtan oo dhan sababta u ahi waa mid aan qiyaas lahayn, “Dembi Qaran” oo qarowayna ah.
Haddii Dal sharci iyo Dawladnimadu shaqaynayso ay ka dhici lahayd maanta Golaha muu dhex warwareegeen oo Xildhibaanada kuma dhega hadleene, jeelka ayuu Liinta ku cabi lahaa, waxaanu ummada ugu suntanaan lahaa “public enemy” taariikhdaas madowi aanay weligii ka hadhin waayo “he brought the state into disrepute”, jilbaha ayuu dhulka ugu dhuftay Qaranimadii.
Dhaqanada noocan ahi difaac ma leh meelnaba kama soo galaan xeelad siyaasadeed waa Fal Dembiyeedyo halis ku ah jiritaanka Qaranimada Somaliland.
Waxaan arkayay dad meel dhaw wax ka eegaya oo qaarkood weliba xilal ummada u hayaan oo dillo arrinkan foosha xun uga dhigaya maxay Xildhibaanada Talyanle taageersani codkooda u ilaashan waayeen haddii loogu rogay ha iska liqaan. Waa wax aad loola yaabo sababtoo ah tani maaha xeelad siyaasadeed ee waa Fal Dembiyeed uu ku kacay shakhsi “civil servant” ah oo Qaranku masuuliyad cayiman u igmaday islamarkaasna ku xadgudbay hawshii loo igmaday. Qaranka ayaanu dembi ka galay.
Siyaasadu waa mihnad qarowayn oo ay ku lifaaqan tahay masuuliyad balaadhani iyo hormoodnimo (role modelling) Waanay gaydaa xeelad xikmadaysan oo islamarkaasna aan ka hor imanahayn ama jebinahayn sharciga iyo xeerarka Qaranka. Hase yeeshee ma gaydo Tuugnimo, Dhac iyo Boob cad oo xoog maroorsi ah. Waxa laga dhaxlana waa la yaqaanaa oo meel fogba tusaalaheeda laga dooni maayo. Magaalada Caasimada Hargaysa, mansabka Barlamaanku ku yaalo ee falkan foosha xumi ka dhacay iyo Guriga Madaxtooyada ee kasoo horjeeda uun taariikhdooda qoyan dib u raac iyo 1988.
Waxaan kusoo koobayaa waar dalka sidan haloo dhaamo oo wixii ku qaloocan ee ku fool xun meel halooga soo wada jeedo, dhakhsona haloo suuliyo.
Maxammed Aw Yuusuf
guun51@hotmail.com