Burco.(Qaran-news)-Iyada oo maalin walba maalinta ka danbysa ay sii lumayso haybadii iyo hanaankii dawladeed, ayaa wasiirka warfaafinta ee Somaliland waxa uu maxkamada gobolka Togdheer ka shaqalaysiiyay Chief Caaqil Sharma’arke Axmed Maxamed oo ka mid ah cuqaasha u diwaan gashan wasaarda arimaha gudaha isla markaasina ka mushaar qaata xagaasi, waxna ay shaqadani noqonaysaa camalkii labaad ee uu caaqilku u qabto dadweynaha gobolka Togdheer, iyada oo ay dalka iyo gobolkaba joogaan dadkii shaqadani aqoonteeda lahaa oo uga soo baxay jaamacado isla markaasina dalka ama gobolka ay ku hayso shaqo’laani.
Chief Caaqil Sharma’arke Axmed Maxamed ayaan mudooyinkii danbe la gabanaynin u ololaynta xisbiga Kulmiye isaga oo horjoogge u ah koox WhatsApp-ka kuwada xidhiidha oo ku hawlan u ololeynta Kulmiye, waxna uu marar badan soo tumay warbaahinta shaqsiyaad uu ku lacag qaato oo sheega in ay taabacsanyihiin gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaasina ay u hayaan codkii ugu badnaa, arintaasi oo aan danbiba ahayn hase ahaatee shaqadiisa oo ah hogaamiye dhaqameed iyo tan cusub oo ah garsoore qaran iyo ta uu xisbiga u hayo oo aan dhamaantood is qaadan karin
Todobaadkii hore ayay ahayd markii garsoorayaal ka kala tirsan maxkamada Hargeysa iyo Gabiilay lagu arkay iyaga oo ku labisan calanka xisbiga Kulmiye isla markaasina u ololaynaaya xisbi xaakimka, arintaasi oo ah mid sharciga dalka u yaala ka baxsan.
Gabi ahaanba waxa sii lumaaya hanaankii dawladeed iyada oo meel wal oo halbawalaha dawalada ka mid ah aad arkayso in la dhigay qof aan aqoon u lahayan waxa uu qabanaayo iyo shaqada la geeyay iyada oo looga danleeyahay in xisbiga Kulmiye loogu raadiyo uun tageerayaal.
Dhanka kalena gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Adan Xaaji Cali oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino habka caaqilkani lagu shaqaalaysiiyay ayaanay noo suurto galin