Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Xafiisyo Ka Furay Deegaamo Ka Tirsan G/Togdheer, Wasaarada Maaliyadana Eedo Uga Soo Jeediyey Qiimo Dhaca Shilinka Somaliland Iyo Sicir Bararka

$
0
0

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Xafiisyo Ka Furay Deegaamo Ka Tirsan G/Togdheer, Wasaarada Maaliyadana Eedo Uga Soo Jeediyey Qiimo Dhaca Shilinka Somaliland Iyo Sicir Bararka

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa xafiisyo ka furay deegaamo hoos yimaada gobolka Togdheer oo ay ka mid tahay deegaanka Bali-hiile.

Masuuliyiinta deegaamadan socdaalka xafiis furida ah ku soo maray ayaa waxa ka mid ahaa Kaaliyaha Warfaafinta ee Murashaxa Xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal, Xoghayihii xidhiidhka gobolada ee xisbiga Waddani, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje, siyaasi Bashiir Cabdi Xariir iyo Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer, Doob Saleebaan, kuwaas oo halkaasi khudbado uga jeediyey dadka deegaamadaasi ay socdaalka ku marayeen.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo isagu khudbad dhinacyo badan taabanaysay u jeediyey dadweynaha deegaanka Bali-hiile oo ay halkaasi xadhiga ka jareen xafiis cusub oo xisbiga Waddani uu ku yeeshay deegaankaasi ayaa ugu baaqay dadka deegaankaasi inay doortaan xisbiga Waddani si isbadal dhinaca horumarka ah ay u helaan, maadaama oo wakhti xaadirkan deegaamadoodu ka aradan yihiin adeegyadii bulshadu u baahnayd xukuumada Kulmiyena dayacday inay wax ka qabto.

Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warfaafinta ee Murashaxa xisbiga Waddani ayaa sidoo kale dhaliilo uga soo jeediyey Wasaarada Maaliyada dhinacyada qiima dhaca lacagta shilling-ka Somaliland iyo sicir bararka naafeeyey bulshada Somaliland gaar ahaana gobolka Togdheer.

Isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Safarkayagu wuxuu daaranaa in xafiisyada jiidan oo dhan aanu xadhiga ka jarno maadaama oo ololihii inagu soo dhawyahay. Sida aad ka warqabtaana doorashadi ayaa imanaysa, sidaa la inoo sheegay ummadda waxa doorashada loo jideeyey ee marba doorashada loo keenay oo aynu dimuqraadiyada u qaadanay in wixii aynu tijaabinay hadii ay sidii aynu doonaynay u shaqayn waayeen in markaa ka bacdi aynu ka fikirno oo bulshadu fartooda ay ku doortaan cidii badali lahayd.

Gobolka Togdheer hore waxa u aafaysay lacagtii Giimbaarta ahayd, Giimbaartaasi markii la badalayey waxaynu is-lahayn gobolka Togdheer iyo deegaamadiisu in badan ayaa la lahaa Land-tii ma gaadhee, dadku laabtay u sii daayeen oo way qateen.

Nasiibdaro lacagteenii aynu jeclayn ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Giimbaar kale ku noqotay oo kaba sii liidataba tii Afweyne aynu ka dhaxalnay, waxaana waxa keenay nidaam daro xataa sicir bararka.

Wasaarada Maaliyadu dhagahay ka furaysatay intaas oo jeer ayaa lagala hadlay.

Walaalayaal duruufta ina haysata waad ogtihiin, dhibaato badan ayaa deegaamadan haysata oo ay ugu horayso shaqo la’aantu iyo abaarihii oo si xun u naafeeyey deegaamadan, guddi ka soo kabasho ayaad ma qasheene wali iyadoo idin soo gaadhay maad maqasheen? May wax idin soo gaadhsiiyeen? Tii hore ee abaaraha maydun wax ka aragteen?.

Hadaba Siyaaasada xisbiga Waddani wado eed nagu aaminaysaan Illaahay hortiisa in aanaan ka been sheegaynin waxa weeyi ood noogu soo ducaynaysaan inuu noqdo mid dalkoo dhan wada gaadha, idinkana waxa la idinka doonayaa in ka walaalkiin ah ee Bali-hiile idinla daga inaad usoo jiidaan xisbiga Waddani, ood tidhaahdaan kaalay walaal wakaa wixii aynu kala lahayn shaqayn waayee aynu wax aynu wada leenahay dhisanee.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>