Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Fadeexad weyn oo dul-hoganaysa Gudoomiyaha Komishanka Gabiley oo si kas & badheedha ugu kacay qadiyad lidi ku ah…..

$
0
0

Fadeexad weyn oo dul-hoganaysa Gudoomiyaha Komishanka Gabiley oo ku kacay Falal lidi ku ah…..

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa,banaanka uga saarey Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi(Cali-case),kadib markii uu Muraaqibnimada Xisbiga Kulmiye ee Komishanka Gabiley ahaa saacado badan tan iyo intii ka dambeysay Codbixinta isagoo wakhtigana ah kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Gabiley maadaama uu Gudoomiyihii Gobolku ku maqnaa ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer.

Arintan oo ay siweyn ula yaabeen Komishanka Guud ee Doorashooyinka Qaranka ayaa, lagu canaantey Gudoomiyaha Komishanka Gabiley,oo muujiyey qeyra-masuulnimo badan maadaama uu masuulkii xilka Gobolka u sareeyay,ka ogolaadey in uu Muraaqib u noqdo tirinta codadka Mid ka mid ah Xisbiyada Qaranka iyadoo,aaney masuulyiinta Xukuumadu sharci ahaan xaaraan ku tahey inaan loo ogoleyn tirade codadka iyo gudaha Komishanka labadaba,inkastoo aan Komishanku wax talaabo ah ka qaadin iyadoo loo dareemay in muraaqibnimada uu Xisbi Xaakimka u noqdey Cali Case aheyd talaabo Musuqmaasuq.

Sikasta oo ay tahey,Guud ahaanba Maamulka Gobolka Gabiley iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada ayaa iyagu muujiyey in aaney habayaraatee, dhexdhexaad ka aheyn Codbixinta Xisbiyada haseyeeshee,ay sitoos ah ula safan yihiin Xisbiga Kulmiye taas oo dareen badan ku dhalisey Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>