Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Faysal Cali Waraabe iyo doorka uu ka qaatey xasilooni la’aanta ka bilaabentey Somaliland

$
0
0

Faysal Cali Waraabe iyo doorka uu ka qaatey xasilooni la’aanta ka bilaabentey Somaliland

 


Faysal Cali Waraabe ayaa maanta warbaahinta u xaqiijiyey tuhunkii hore u jirey ee ahaa in aanu ahayn musharax xisbi oo mucaarid ah, isagoo qirtey in guusha Kulmiye tahay guusha Ucid! Faysal Cali Waraabe waxa uu cadeeyey in uu mar walba qayb ka ahaa xukunkii faashilka ahaa ee dawlada Kulmiye ee dalka ka jirey sideedii sano ee la soo dhaafey, shalaytona loogu sii dheereeyey xukunka askari Muuse Biixi Cabdi ka dib markii ay dawlado shisheeye inqilaab ku saareen kursiga jagada madaxweynenimo, iyagoo ogaa inuu ahaa musharaxa ay ka fushan karaan danahooda gaarka ee ay ka leeyihiin jamhuuriyada Somaliland iyo shacabkeedaba. 

Faysal (fadlan hoos ka daawo hadalkiisa) waxa uu maanta si cad ugu sheegay shacabkii u codeeyey isaga – in codkoodu ahaa mid lagu dhabqinaayey xisbiga Wadani, oo lagu taageeraayey Kulmiye  ee aanu ahayn xisbi mucaarid ah!Faysal waxa uu sheegay inuu qayb ka yahay la shaqaynta cadowga shisheeyaha iyo iibinta dalka Somaliland, isagoo weliba markan soo xidhay shaadh xisbi qaran oo mucaarid ah. Haddaba dadka reer Somaliland waxay in badan ka feejignaayeen khatarta ay leedahay nin gumeyste u adeegaya oo soo xidha shaadhka diinta. Waxay s fiican u fahmeen Alshaydaan iyo ujeedooyinkooda. Waxay fahmaan Tabaha iyo xeeladaha cadowgu adeegsado –gaar ahaan markay adeegsanayaan rag xidhan shaadhka diinta.

Waxay arkeen xasuuqii loo geystey shicibka reer Somaliya. Waxay arkeen sida Somaliya loogu gacan geliyey cadow shisheeye ah oo ka kala yimi wadamo badan oo adduunka ah!
Waxaa lala wareegay ciidii, hawadii, baayacmushtarigii iyo hanti badan oo ay lahayeen  dadka reer Somaliya.

Haddaba maanta waxa Faysal Cali Waraabe noqdey hogeemiyihii ugu horeeyey wadanka Somaliland oo isagoo xidhan shaadh xisbi qaran si cad u taageeray in cadaawaha shisheeyuhu iibsadaan dhulka Somaliland iyagoo xoog ku maamulaaya.

Dadka reer Somalilandoow ogaada – waxaa loo socdaa waa dalkiinii. Waxaa loo socdaa waa dadkiinii. Waxa lagu socdaa waa ciidiina. Waxaa la rabaa in la idin gumeeyo! Waxaa la rabaa in la isku kiin diro!

Waxaa la rabaa in dhulkiina la hantiyo! Waxa lagu socdaa dhiigiina,sharaftiina iyo taariikhdiina. Waxaa lagu socdaa in dhulkiina la qaato, idinkana la idiin xasuuqo. Si taasi u dhacdona waxaa la idiin adeegsanayaa waxkasta oo la idinku kala qaybin karo: qabyaalad, diin…….xitaa waad ogtihiin in maanta qabaa’il somali ah la yidhi: carab ayaad tihiin!Waxaa la idin adeegsan doonaa dad kala duwan – kuwo aad ka fileyseen iyo kuwo aydaan ka fileyninba!  Dadkaas wax ka mid ah: weriyeyaal, fanaaniin, siyaasiyiin….
Wax kasta oo la idinku kala qaybinayo oo cadaalad iyo maamul wanaag lagu diidayo –waxay cadowga u fududeynayaan inay dalkiina soo galaan oo la idin gumeeyo.
Waxaa lagu socdaa dalkiina, dadkiina iyo sharaftiina. Idinka ayaa og sidii aad u badbaadin lahaydeen! Waxa la rabaa in la idiin sameeyo madax ku sheeg maqaarsaar ah oo la shaqeeya gumesytaha si dalkiina loo iibsado idinka oo soo taagan. Dadka dalka jecel ee ay dhab ka tahay dal jacaylku – ha ogaadaan in aan qabyaaladi waxba taraynin. Nin ka nabad galaya aafada gumeystuhuna aaney jirin. Sida keli ah ee lagaga badbaadi karaana ay tahay isku duubnaan iyo in cadaalada meel looga soo wada jeesto, gumeystahana loo cadeeyo in aanu ninkii uu rabo kursiga xoog ku saari karin.

Waa haddii aad rabto inaad sharaf ku noolaato, ilmahaagu sharaf ku noolaado, wiilkaad awoowga u tahay sharaf ku noolaado, wiilkaad ayeeyada u tahay sharaf ku noolaado.

Fadlan daawo Faysal

Samia

samiaelmi2017@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>