Talow Muuse muu ka xishoon, wuxuu Siilaanyo ka xishoon waayey!

1- Inuu wiil uu adeer u yahay ka dhigto wasiirka ugu dhaw, muddadii uu xilka hayey, ahaana madaxweynihii ugu horeeyey ee arintaas yeela.
2- Inuu goolihiisa wasiirada markuu badalaayo, ka soo reebo inta beeshiisa, yahayna madaxwaynihii ugu horeeyey ee ay taasi ka suurto gasho.
3- In ilaha dhaqaale oo dhan uu gaysto cid isaga la beel ah, isaga oo ka faa’idaynaaya khibradiisa iyo aqoontiisa dhaqaaleyahanimo.
4- In la xaraasho dhamaan hantidii ma guurtada ahayd ee qaranka, gaar ahaan guryihii, biyihii, macdantii, iyo dekedihii.
5- In wiil suuq joog ah, mid agaasime waaxeed ah, ama mid qurbe joog ahi, ay ka xoog bataan masuuliin heer wasiir ah, iyagoo ka faaidaysanaya xidhiidhka reeraysan ee madaxtooyada.
6- In la qoyseeyo awooda qaranka, sida: marwo, innan, kuwii hablaha qabay, kuwii kuwaas la saaxiibka ahaa, kuwii kuwaa kale kusii xidhnaa..
7- In la guddiyeeyo go’aanadda masiiriga ah ee ummadda siyaabo siyaasadaysan.
8- In goolaha wasiirada loo badalo ama magacaabo siyaabo shakhsiyeed ama intuu “yes man” u yahay fulinta rabitaano shakhsi ah (kana-siib-kana-saar politics).
9- In todoba sano lagu faano siyaasado qaran oo fashilmay sida wax-barasho la baabiiyey.
10- In doorashoiyinkii uu qabtay noqdeen kuwo ehel u ah musuq iyo rabshado dhimasho keenay.
W/Q: Ustaad Mustafe Barud