Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Waxa aan cambaaraynayaa sida Xooga iyo kushubashada ah ee lagu soo geba gebeeyay doorashadii Quruxda badnayd ee ka dhacday Somaliland.

$
0
0

Waxa aan cambaaraynayaa sida Xooga iyo kushubashada ah ee lagu soo geba gebeeyay doorashadii Quruxda badnayd ee ka dhacday Somaliland.

Waxa aan cambaaraynayaa sida  Xooga iyo kushubashada ah  ee lagu soo geba gebeeyay doorashadii Quruxda badnayd ee ka dhacday Somaliland.Marka Hore waxaan u hambalyaynayaa shacabka Reer Somaliland ee xariirta ah ee rabay inay helaan dawlad cadaalad ku maamusha.Komishanka waxaan leeyahay waxa cad inaad dayacdeen oo aad ku fashilanteen xilkii la idiin dhaariyay. Umadii isbedelka u codaysay ee majooretiga lixda gobol ee dalka ahayd ee aad xaqoodii dayacdeen ama duudsideena way idinku dhegantahay oo idinmay saamixin.

“Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah madhasho”Madaxweynaha Cusub, Muuse Biixi isna waxaan leeyahay,Muusow Kursiga dulmi ayaa laguugu  xukumay, laguuma dooran, Shacabku Cirro ayay doorteen  adna waad ogtahay, doorashadana kushubasho iyo boob ayaa ka dhacay oo la cadeeyay. Shacabku kuma dooran, inaad madaxweyne u noqotana ma rabaan, isbedel ayay rabeen oo Kulmiye kadeed kiisii horeba way la ildarnaayeen. Hadana sheekadu waxay noqotay “islaantii indho la’aantii dadcun nimana way ku darsatay”.Waa xaaraan Umadda in uu taladeeda uu maroorsado qof aanay raali ka hayni, sida aan Salaadaba Imam aan dadku raali ka ahayni u tukin Karin. Madaxweyne nimo lagu soo dhaweeyay dhiig daatay iyo xadhig muwaadiniin aan dembi lahayn, waxay ka dhigan tahay “qudhaanjooy ku quuso” iyo “Cirridkaan arkayo ilko kama soo jeedaan”. Allaa sahli, oo ay umadda dulmani xaqooda ka sugaysaa!.

Nin weyni xantiisa wuu ogayahy, Muusow waxa dadku werwer weyn ka qabaan inaad dalka ku xukumi doonto Cadaalad daro, dil iyo xadhigaa hadaba kula bilaabmay, waxa dadku werwer ka qabaan inaad bartilmaameedsato beelo ay colaad hadhi wayday kuugu jirto oo aad dagaalkii sokeeye dib dalka ugu celiso, waxa werwer laga qabaa inaad cadaawad iyo colaad raagta dhexdhigto beelaha Somaliland oo aan dal iyo dad toona kaa dambayn. Soomalidu waxay tidhaahaa “Ninna caadadii ma baajo bahalna ceedhin ma daayo”, rejo badan lagama qabo wanaag xagaaga ka yimaada oo dad badani markii la yidhi bal horta ma sugnaa waaba intaas oo Alleba muuse soo hadeeyaaye, waxay yidhaaheen “taasi waa Biyo sare Tegay”.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne hadaad sidaa laguu malaynayo tahay waxaan ku leeyahay, waxaad tahay nin oday ah oo haatan jooga aakhirkii cimrigiisa dantaadu kuma jirto madaxtinimadaa xooga laguugu xukumay, danta dalkuna kuma jirto, danta dadkuna kuma jirto, aakhira seeg iyo taariikh madow ayaad ka dhaxlaysaa, dadkaa walaalaha ah ee reer Somaliland na waxaad noqon doontaa mid ay eedaan.Haday kuu suurta gal tahay inaad waxaa lagugu tuhmayo waxaan ahayd aad dalka ku hogaamiso waxa lagaa rabaa inaad ka fogaato wax kasta oo waxaa lagugu tuhmayo u eg. Umadduna isbedel ayay u codaysaye aad dhegaysato wixii ay rabeen inay bedelelaan oo aad adigu bedeshaa sidaas ayaad ku helaysaa taageerada shacabka iyo taagerda xisbiga Waddani ee hogaaminayay isbedelka umaddu doonayso. Sidaas ayaa danta guud ee dalka iyo danta guud ee dadku ku jirtaa. Adna sidaa ayaa kuu noqon doonta “khayral Acmaali khawaatimihaa” ama cimrigaagii oo aad ku sooo geba gebaysay wanaag, khayr, walaalayn iyo inaad ka tagto dal iyo dad barwaaqo iyo isjacayl ku wada nool.Madaxda Xisbiga wadanina waxaan leeyahay, shacabku isbedel ayay u codeeyeen. Waxay rabeen may ahayn inay madaxda wadani damacooda ku taageraan oo keliya.

Waxay xal u raadinayeen noloshooda hagaastay ee la daalaa dhacaysa shaqolaanta, sixir bararka, qabyaaladda, cadaalad darada gaadhay in dalka khayraadkiisa iyo fursadihiisa cid gaari ka faaiidaysato inta kalena daawato, in scholarship yada soo baxa, derejada ciidamada la siiyay, mashaariicda dalka ka soo baxa iyo xataa caawimooyinka debeda inaga soo gaadha ay cid gaari isku filaysiiso oo aanay waxba soo dhaafin inta kalena ku ag bakhtido.
Waxay umadu ka cararaayeen oo ay sida fiinta uga qaylinayeen hantidii qaranka ee ma guurtada ahayd oo la xaraashayo iyadoo aan loo midaan deyin oo weliba si makasnimo ah dawlado shisheeye loogu wareejinayo. Waxa ay umaddu raadinaysay xal ku dhisan Caddaalad iyo Xaqsoor.Waxa loo baahanyahay in Umaddu aanay ka tanaasulin cadaaladii iyo xaqsorkii ay rabtay, xisbiga waddanina uu arintaa ku hogaamiyo.
Waxa loo baahanayahay in umaddii isbedelka rabtay ee xaqooda doonayay dhamaan lixda gobolba loo guntado sidii xaqooda loo heli lahaa iyadoo xisbiga Waddanina ku hogaamiyo.
Waxa loo baahanayahay in meel looga soo wada jeesto oo aan qofna dib xaqiisa uga tegin oo caddaalad iyo xaqsoor loo istaago xisbiga waddanina umadda ku hogaamiyo.
Waxa loo baahanayahay in wixii khalad iyo dulmi hore looga aamusay aan dib looga aamusin oo shacabku wuu dulman yahaye loo hadlo.
Waxa loo baahanayahay in dareenka xaq udirirka ah ee shacabka aan la cabudhine la jiheeyo oo loo istaago in dalka lagu soo dabaalo cadaalad iyo wax wada lahaansho.Nabadda waxa ilaaliya Shacabka, maa ciidamada, Waa in la dhegaystaa tabashooyinka iyo isbedelka umaddu rabto.

 Alla mahadleh.

 Mohamed A Issa
Xubin Gudiga Arimaha Debedda Waddani

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>