Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha kililka Shanaad oo si mug leh u taageeray

$
0
0

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha kililka Shanaad oo si mug leh u taageeray mid ka mida madaxweynayaasha iska soo daba-dhacaaya ee Jubaland lagaga dhawaaqay

ig-Jiga-(Qaran-news)-War-saxafaadeed ka soo baxay  xafiiska madaxweynaha Kililka Shanaad  ee Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ( Ilay) ayaa lagu hambalyeeyay Sheekh Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxweynayaasha  iska soo dabadhacaaya ee maamulka Juba-land  lagaga dhawaaqay dhawaan.

ilay

War saxaafadedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha kililka Shanaad ee Somalida wuxuu ku bogaadiyey reer jubaland siday uga midha dhalliyeen dedaalkii ay mudada dheer ugu soo jireen sidii ay maamul goboleed u samaysan lahaayeen,wuxuuna intaas raaciyey in ay dawlada deeganka Somalida iyo dawlada federaalka ee itoobiya ay garab taagan yihiin Jubaland, Hiil iyo hoobana la garab joogsan doonaan Mustaqbalka,wuxuuna qoraalkiisa ku xardhay “Shacabka iyo xukumada dawlada degaanka Soomaalida ee itoobiya, way idiin hiilinayaan waana idin garab taagan yihiin”.

 

“Ma aqbali doono cid walba oo idin hor istaagta waana ka soo horjeednaa dadka qaswadayaasha ah ee qaarkood ay Kismaayo idinla joogaan, laakiin anaga waxaa naga go’an inan dhiiganaga u hurno, sidii Jubaland ay lugaheeda isugu taagi lahayd, dowlada Itoobiya iyo kan maamulka Kililka waxay idiin yihiin gaashaan marnaba ma dhici doonto in hawsha juhdiga iyo dhaqaalahu galay si dhibyar inta Kismaayo loo yimaado la carqaladeeyo”.

 

Qarannews

Hargeisa

.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>