KORNEEYL MUUSE BIIXI HADU MADAXWEYNE NOQDEY MA CELIN DOONA BEERTI CISMAAN DACAS UU KA QAADEY IYO DHULKII KALE UMADA ???

Taariikhaha madow ee dagaladii sokeya Iyo kuwa uu u geeystey reerka uu yahay ee Sacad muuse waxa u dheer waxa maxkamadaha hargeysa ka yaala oo dadka xogogaalka ahi sheegan sadex Iyo toban dacwadood 13 dacwadood oo dhul uu boobay ah oo ka qaadey dad masakina oo aan awood u lahayn iney iska difaacan hadeytahay awood shaqsi Iyo mid sharci.
Waxa somaalidu Ku maahmaahda ” Aboorku wa yaab, dudun ayu sameyeyna wa yaabka yaabkii, candhuuftisu ka sameyayna wa amkaag,” waxaan uga socda korneyl muuse bixi maxkamad lama saarin wa yaab, Dhulkii Iyo hantidii uu xooga Ku haysyeyna lagama qaadin wa yaabka yaabki. Madaxweynaha loo doorteyna wa amakaag.
Wakhti Ku beegan 14/9/2017 waxaan daawadey nin ka mida sarakishi ugu sareysey ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland oo wakhtigan indho-beeley Laguna magacbo janaraal Cismaan dacas.kana mid aha sarakishi SNM ee burco so galey oo ka hadlaya beerta muuse biixi ka qaadey isagi sheegay inu Si shaqsiya Iyo Si qabiilba uga ergooday muse bixi lakin uu wayey cid ka qabta waxaanu sheegay Cisman dacas inu muse bixi u so direy sidigii kuna yidhi hadaad ka hadhi weeydo beerta wanu Ku dilidoona, kisaska dhulboobkuaha kan Cisman dacas ee waxa jira ilaa Iyo dhoowr Iyo toban kale.
Ala ya raxmuye Abwan gaariye wuxu yidhi.
Ninkasto dakano galey
Qolu dabada galiyo
Danbi dhacay masuul ma leh
Markad hebel duqaysa
Reer hebel danqanaya.
Isku soo wada duubo korneeyl muse bixi oo ah nin aad ugu so shaacbaxay hagardamadi garabki calan casta ee SNM magacyo badana kula baxay dagaladi sokeeyaha sida la xasuustana gudomiyaha xisbiga Kulmiye Iyo musharaxaba Ku heley xoog Iyo qaraxyo shaani oo madaxweyne siilanyo lagu cabsi galin jirey taariikhdi 2014kii qaraxyadaas oo lo adeegsan jirey shaaani sida ay madaxda Somaliland ka sheegen warbaahinta kala duwan ee s/land , bartamahi bishan aynu Ku jiro doorashadi madaxda tooyada ee dhacdeyna xoog boob Iyo waraaqo faalso ah sida la sheegaya lagag dhigey madaxweynaha jamhuuriyada somaliland.
Si kastaba ha lagu fuushiye waxa bisha inagu so fool leh loo dhaarinaya xilkii madaxweynaha s/land marka muuse bixi ma u celin doona beerti u ka qaadey janaral mujahid Cisman dacas madama uu madaxweyne noqdey?
Mise talow dalkuba jarbu ka lusha khatara??(( xaalku wa meelu shaley marry oon midh kaga dhicin mehanabay, iilka kii dhigey u dacwootoy,xamaalki sidey xaakin)) moooday!!!!!
Alla Mahad iska leh
Qalinkii:- Khadar Kaariye Cune
kkaariye05@gmail.com