Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Masuul la sheegay In Madaxweynaha la doortay Xil u magacaabi doono,Nooca Xilka & Xoggo kale

$
0
0

Masuul la sheegay In Madaxweynaha la doortay Xil u magacaabi doono,Nooca Xilka & Xoggo kale

Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews Madaxweynaha la doortay Col.Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu u dhawaan u magacaabo Badhasaabka Gobolka Daad-madheed Amb.Axmed Xasan Cigaal oo ka mid ah  Kaadiriinta Xisbiga Kulmiye.

Amb.Cigaal ayaa Xilligii Xukumadii Daahir Rayaale ahaa Wakiilka Somaliland u joogay Dalweynaha Shiinaha,Muddo danbena wuxuu la-taliye u noqday Wasiir Warancade ,Hase yeeshee aakhiru-Licibkii  wuxuu ka soo dhex muuqday Xisbiga Kulmiye,Welibana Ololihii codka & Taageero doonka ahaa ee  Muuse Biixi ku galabixiyey Gobolada Bariga Somaliland.

Amb.Axmed oo dhaqaale ahaan ladan,ayaa Xoggaha Warfidiyeenka Qarannews soo gaadhayaa tibaxayaan inuu u jeeni qaaran yahay Haaneedida Xilkaas Badhasaabnimo oo siyaasiyiin badani kala Han weynaayeen,Yeelkeede, lama oga ilaa hadda inuu ku qanacsan yahay Xilkaa Badhasaabnimo  & Inkale Maadaba dhawr jeer oo aanu wacnay telefoonkiisa Gacantu xidhnaa.

Gobolka Daad-madheedh ayaa tan iyo intii Derejada ama mansabka Gobolnimo la siiyey aan helin ama loo magacaabin Badhasaab Khibrad iyo Aqoon durugsan u leh Maamulka Dawladnimo.

Geesta kalena,Haddii Amb.Axmed Xilkaas qaato wuxuu u quusgoyn doonaa,Meeshana ka bixi doona Askar Hore & Kaadiriin Aqoontooda Waxbarasho & Khibradooda Shaqoba hooseyso, Xilli danbena ku soo biiray Xisbiga Kulmiye oo Suuqyada kaga goolaftama inuu Muuse Biixi xilkaa  ku maamusi doono ama u magacaabi doono.

Qarannews

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>