Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda. Qormadii 9 aad

$
0
0

Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.

 

Qormadii 9 aad:

suudi

Maah Maah Soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda awr xabilkii wuu qaadaa xadhig qaloocan se ma qaado. dadweynaha reer somaliland wey iskala silci lahaayeen mashruucan deegaamaynta mudada yar ee u hadhsan waqtigii siilaanyo la doortay, waxaase arinta deegaamaynta ka sii daran, isbedelka xaga maskaxda ah ee ku dhacay siilaanyo markii loo doortay madaxweynenimada somaliland oo la mid ah isbedelkii ku dhacay sanadihii lixdamaadkii odeygii reer burco ee la odhan jiray Aw Cabdi markii beeshiisu ay u doorteen caaqilnimada markaa ka dibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.

waxay dad badani is weydiinayaan siilaanyo markii uu ahaa gudoomiyihii xisbiga KULMIYE iyo intii ka horeysayba noloshiisa wuxuu ahaan jiray nin cod kar ah, aqoon leh ,talo qabeen ah, yaqaana xaajada ragga iyo maareynta mushkiladaha ka hor yimaada waxayna umada somaliland iyo bulshada caalamka inteeda kaleba ay is weydiinayaan siilaanyo markii uu noqday madaxweynaha somaliland waakan saqiiray ee maxaa ku dhacay.

hadaba su’aashan jawaabteeda waxaynu ka dhex helaynaa qisadan soo socota.

marka hore waxaa iga xasuus ah ragga inta ay meelaha qaarkood gaadheen raadkoodii dib u raacay siilaanyo uguma horeynine  waa looga horeeyey raggii marxaladaa uu maanat siilaanyo ku sugan yahay soo marayna waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa odeygii reer burco ee la odhan jiray Aw Cabdi oo sanadihii lixdamaadkii ka mid ahaan jiray ragga talo qabeenka ah ee loola tegi jiray xaajo kasta oo adkaata oo la isku mari waayo kadibna furdaamin jiray, degmada burco iyo guud ahaanba gobolka togdheer.

hadaba magaalada burco xiligaasi aynu ka waramayno waxay lahaan jirtay guri la odhan jiray aqalka odayaasha burco oo la keeni jiray xaajo kasta oo adkaata laguna furdaamin jiray, gurigaasi may lahaan jirin beel gaar ahi wuxuuse talis ama xarunta looga taliyo u ahaan jiray dadka deegaanka burco oo dhan waxaanu gurigaasi lahaan jiray kala danbeyn nidaam iyo xeer aanay maanta lahayn xukuumada siilaanyo,gurigaasi wuxuu lahaan jiray xeer beegti talo qabeen ah oo guriga barman ama rasmi ku ahaan jiray oo furdaamin jiray mushkiladaha kala duwan ee loo soo gudbiyo.

hadaba odeygii reer burco ee maanta aynu diirada saanayno ee Aw Cabdi waxaa lagu tilaami jiray in uu ka mid ahaa tirarka uu gurigaasi ku taagnaan jiray iyo marka uu raggu sii kala baxo in uu ka mid ahaan jiray dhawrka nin ee faro ku tiriska ahaa ee talada gurigaasi looga danbeyn jiray .

hadaba odeygii Aw Cabdi markii uu taagnaa halkaa aynu soo sheegnay muu ahayn caaqil beeleed wuxuuse ahaan jiray odey reer burco ah, waxaase dhacday markii ay arintu halkaa maraysay ayay odeygii Aw Cabdi beeshiisu u doorteen in uu caaqil u noqdo madaama uu yahay nin buuxiyey shuruudihii caaqilnimo iyo in uu yahay ninka ugu haboon ee aan looga baqo qabin in uu la anbado hogaaminta beeshiisa iyo in aanu beesha magac xumo ah u soo duweyn,xilka  caaqilnimadu xiligaasi wuxuu la meeqaam ahaan jiray kursiga madaxweynenimo ee uu maanta siilaanyo ku fadhiyo.

hadaba markii odeygii Aw Cabdi loo xidhay duubkii caaqilnimo waxaa ku dhacay isbedel xaga maskaxda ah,waxaanu odeyaashii reer burco ee ay wada gorfeyn jireen arimaha iyo xeer beegtidii aqalka burco ee uu ka tirsanaa ku war geliyey in uu Qaadkii iska Daayey oo uu maalintii gurigiisa seexan doono, maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda waxaan caano iyo nabad ahaynba waa la kala qaadaa.

odeygii Aw Cabdi waxaa wehel u noqday Dumar iyo Caruur ragga wey kala xidhiidh furmeen sida madaxweyne siilaanyo oo kale had iyo jeer weynu naqaanaa dagaalka looyaqaano safeynka ee dhex mara dumarka iyo caruurtu wuxuu inta badan dhacaa casarka oo caruurta intooda badani ay guri yaha ku sugan yihiin Dumarkuna  aysan hayn shaqo ama hawl mashuulisa , hadaba marka uu dagaalkaasi dhaco ee ay dumarku timaha isku martaan ee ay qayladu dayaanto ayay dumarka xaafada oo dhami ku muusanaabi jireen Aw Cabdiyow Ka Soo kaceey ileyn wax rag ah oo markaa guriga ku sugan isagaa jiree wuxuunbaa la arki jiray Odeygii Aw Cabdi ee talada burcaba ay ka go’i jirtay oo dumarka iyo caruurta dhex ordaaya oo feedho qaawan macamus qudhana gunta nileyn waa nin qaylo dumar ku soo kacaye.

hadaba maanta waxaynu is bar bar dhig ku samaynaynaa odeygii Aw Cabdi intii aan caaqilnimada loo dooran halkii uu taagnaa iyo markii duubka caaqilnimo ee beeshiisa  loo xidhay halkii uu ku soo dhacay iyo siilaanyo intii aan loo dooran madaxweynenimada somaliland halkii uu taagnaa iyo halka uu ku soo dhacay markii loo dooortay madaxweynenimada somaliland labadan arimood waxba ma kala duwan oo Xaaji Axmed Siilaanyo iyo Aw Cabdi labaduba markii la saaray xil aan hore u saarenyn waxay wehel ka dhigteen Dumar iyo Caruur.

maalin dhaweyd waxaan Hotel maansoor ee Hargeysa ku arkay wasiir ka tirsan xukuumada siilaanyo oo la hadlaaya odeyaal ay arin ku balan sanaayeen waxaanu ku yidhi isagoo calaacalaya wax alle wax aanu samayno garanmayno oo wax kale iska daaye shirka golaha wasiirada wixii aanu ku go’aamino waxaa nooga danbeynaya dumar iyo caruur madaxweynuhu wax badan ma oga.

hadaba inkasta oo beeshii uu Aw Cabdi ka soo jeeday ay caaqil kale doorteen markii ay arkeen xanuunka xaga maskaxda ah ee ku dhacay caaqilkoodii ay u han weynayeen, maah maah soomaalyeedbaa jirta oo tidhaahda in ay ku hadhay bay hawli haysaa.

hadaba umada somaliland maanta waxay taagan tahay marxaladii ay ka soo gudbeen beeshii uu ka soo jeeday odeygii Aw Cabdi waxaana haboon mar hadii isbedelka muuqda ee ku dhacay madaxweyne siilaanyo markii la doortay ka dib uu la mid yahay isbedelkii ku dhacay odeygii Aw Cabdi markii loo xidhay duubkii caaqilnimo, waxayna ku haboon tahay in ay talo isugu yimaadaan xisbiyada qaranka ,aqoon yahanka,madaxda dhaqanka ,suugaan yahanka iyo  culimo awdiinka dalku kana tashadaan wixii laga yeelaayo arintan soo korodhay.

Siilayana lagu sii eegan kari maayo sidan uu maanta yahay oo ah deegaamaynta beelaysan ee uu ka wada berbera iyo meelo kale iyo karti darada ka soo waajahday hogaaminta dalka.

Hadaba isku soo wada duuduuboo Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:

 

 

 

Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.

 

 DAB DHAXMOODAY!!!

 

Doc kastoo la eego

 

 Nolosha dunidu waa dabkee

 

 Haddu dabkii dhaxmoodo

 

Maxaa lagu diiriyaa?

 

Waa tilmaan la daahoo

 

Degdeg kuma haboonee!

 

Adoo deggan u fiirsoo

 

 Ujeedada ideeqsii.

 

 Ruux haddii la doortoo

 

 Darajada la saariyo

 

 Xilkii daryeeli waayo

 

Dab dhaxmooday weeyee

 

 Waa su aal da weynoo

 

Madaxa daalinaysee!

 

 Wixii lagu diirinaayo

 

Dad weynahaa la weydiin

 

 DUR DUR OOMAY !!!

 

 Durdurkaa laga cabbaa

 

 Biyihiis lagu dabaashaa

 

 Hadduu harraad dareem

 

Darkee laga waraabshaa?

 

 Waa tilmaan la daahoo

 

Deg deg kuma haboonee

 

Adoo degan ufiirsoo

 

 Ujeedada ideeqsii!

 

 Ruuxa duunyo haystee

 

 Dahabkana barkanayee

 

Wixiisii deeqi waayaa

 

Durdur oomay weeyee

 

Waa su aal da weynoo

 

Madaxa daalinaysee!

 

Darkii laga waraabin

 

Dadweynahaa la weydiin.

 

 DAWO BUKOOTAY !!!

 

Qofkii cudur dilaayo

 

Dawadaa bogsiisee

 

Haday dawo bukooto

 

 Maxaa lagu dabiibaa?

 

Waa tilmaan la daahoo

 

Degdeg kuma haboonee

 

 Adoo degan ufiirsoo

 

 Ujeedada ideeqsii.

 

 Dalaalimada diintiyo

 

 Distoorka iyo xeerka

 

Haddii dabool lasaaro

 

Dawo bukootay weeyee

 

 

 

 Waa su aal da weynoo

 

Madaxa daalinaysee

 

Wixii lagu dabiibi

 

 Dadweynahaa la weydiin

 

 DUFAN BASAASAY !!!

 

Subaga dufankiisa

 

Dadku ku dhaashadaane

 

Hadduu dufan basaaso

 

 Maxaa duxdii ka qaaday

 

 Waa tilmaan la daahoo

 

Deg deg kuma haboonee

 

 

 

Adoo deggan ufiirsoo

 

ujeeddada i deeqsi

 

Isku soo wada duuboo

 

 

 

 La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.

 

Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur

 

tel:4425243

 

 Email:suudi88@gmail.com

 

Hargeysa/Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>