U rurka dalinyarada Sonyo wuxuu ka leexday dhabihii horumarka lagu gaadhsiin lahaa dhalinyarada somaliland,wuxuuna noqday mid ay ku qadhaabtaan dhalinyaro aan damiirkoodu sida saxda ah u shaqaynayn oo dhaammeel raac ah,isla markaana macaash uun kaligood ka raadsada .waxa kale oo halkaaas ka dareemaysaa inay ururkan curyaamisay caadifad ku dhisan nidaam qabiil oo ah halbeega ay ku cabiraan cida ay danaynayaan ama ay ku meel marsan karaan musuq maasuqa iyo hantida ay ku boobayaan magaca dhalinta somaliland guud ahaan.
Ururkan sonyo maaha mid ku dhisan caddaalad iyo sinnaan waayo gobolada somaliland dhalinyaradeedu maaha mid ay ku midoobeen balse waxa muuqata inay cid gaari ku kooban tahay
micnaha iyo nuxurka uu ururkani xambaaarsan yahay oo ah nidaam sifo khaldan taladiisa loo maroorsday iyo meherad dad gaari ay dheeftiisa manaafacaadsadaan.
Marka laga hadlayo urur dhalinyarada somaliland magacood huwan waa yaabe ma wuxuu noqon karaa mid ay koox yaru uga faa’iidaysato daneheedda gaarka ah? Mise damal hadhweynoo ay ku midaysan yihiin dhalinyarada s/land bari ilaa galbeed?
Hashu maankayga gadaye ma maansaar bay liqday!