Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

UK: Wiil Somaliya oo xukun 7-Sano oo xadhig ah Lagu Riday

$
0
0

Maxkamadda Magaalada Swindon ee Dalka Ingiriiska ayaa waxaa ay 7 sano oo Xabsi ah ku ridday  Mahad Xasan oo ah Soomaali 23 jir ah kaas oo ku lug lahaa middiyeynta Gabar u dhalatay UK.

Wiilka Soomaaliga ah ayaa ku doodayay in uu wiil saaxiib la ah Gabadha ku lahaa £30, oo lacagta Ingiriiska ah,hayeeshee xilliga falka iyada kuma lug lahayn doodda wiilka Soomaaliga ah iyo saaxiibkeed.

Wiilkan ayaa waxaa uu Gabadha middida caloosha kaga dhuftay Gabadha,waxaana uu weerarkaasi dhacay 5tii September.

Nina Austin, oo 39 jir ah ayaa qalliin looga sameeyay Caloosha waxaana ay isbitaalka ku jirtay dhow todobaad,waxaa ay sheegtay in markii uu labo jeer middida caloosha kaga dhuftay ay dhulka u dhacday kaddibna uu ka tagay.

Tom Copeland, oo ah Qareenka u doodaya Mahad ayaa sheegay in uu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay,waxaa kale oo uu sheegay in uu Mahad ka soo jeedo qoys Soomaali ah oo qaxootinimo ku galay Ingiriiska.

Qareenku waxaa kale oo uu sheegay in Mahad uusan dambiyo hore uga gelin Ingiriiska sidaas darteedna falkan ka dhacay loo baahanyahay in si dhex dhexaadnimo ah loo wajaho.

Eedaha kale ee Mahad loo heysto waxaa ka mid ah in uu ka mid ahaa dadka ka ganacsada Daroogada Cocaine-ka,sida uu sheegay James Scanlon, oo 36 jir ah,kana mid ah saldhigga Booliska ee Swindon.

Robert Pawson, oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Mahad uu qirtay dhamaan dambiyada lagu eedeeyay ee uu markii hore diiday ,sidaas darteedna Maxkamadda ku xukuntay 7 Sano oo xabsi ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>