Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Fariin ku socota hablaheena

$
0
0

Hablahayaggii sharfanaayoow intiinna isticmaasha baraha bulshada ee sida dhow ugu xidhan isla markaana asxaabta iyo ehelkaba la wadaagta dhacdooyinka ay la kulmaan, waxaan holladay inaan fariin nasteexa ah aan idinla wadaago, baraha bulshada ay ku xidhiidho siiba (facebook) waxaa batay dadka isticmaala sidoo kale waxaa batay dadka ay u cusubtahay isticmaalkiisu, sannad ba ka uu ka danbeeyo waxaa kusoo badanaya dadka aan akhlaaq ahaan fayoobeeyn, waxaa kaloo isasoo taraysa in dadkii asxaabta kugula ahaa bartaadda ( facbook) ee aad caadiga ku ogayd wax badan iska badalaan , dhaqan ahaan, dhimir ahaan, iyo asluub ahaanba, waxaana saamayn ku yeelanaya joogtaynta isticmaalka internetka oo casrigan noqday meel anshax xumada lagu faafiyo.

Hadaba ujeedada qoraalkaygu wuxuu yahhay habloow sawirradiina ilaashada kana saara baraha bulshada, waxaa jira dad aad halkan rafiiq ka tihiin oo intay samaystaan ciwaanno kale sawirraddiina qaadanaya oo ceebaynaya.
Qofkaasi wuxuu samaysanayaa ciwaan cusub oo bilaa tixraac ah oo aan lagaranayn, qofkaasi waxaa laga yabaa inuu halkan kugula jiro oo kuu qoslayo balse meel kale kaa ceebaynayo.

Waxaynu galaynaa duni casriga iyo cusayb-ku kusoo qulqulayaan wax kastaana ay ka suuroowaan, hablaheenna sharaftoodu waa qali, meel layska weeraro oo ka xun ma jirto sharafta hablaheenna dahabka ah, sawirradaadu waa hubka kaliya ee lagugusoo weerari karo, sawirradaadu waa baylah uu ku qadhaaban karo nin kasta oo maan-gaab ah oo baraha bulshada ku qafiifay.

habloow sawirraddiina ka saara meelaha public-ga ah, iskana illaaliya inaad qof u dirtaan sawir aad leedahay nooc kasta ha ahaado, ogaadana idinka ayuunbaa dhawran kara sharaftiina.

Fariintaydani igama aha laab la kac ee waa wax dhaca oo aan marar badan ku arkay baraha bulshada, waxaanay sii korodhay ceebaynta hablaheenu sannadihii u danbeeyay oo xataa qaar u samaysteen websites iyo pages u gaara ceebaynta hablaheena.

Abdi Aziz Ahmed
cabdale565@gmail.com

Shabakada qarannews, kama masuul aha aragtida akhristaha fariintana ma aha mid ka socota ama matasha shabakada qarannews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>