
Warar goor dhaw warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Gurigiisa lagu toogtay Cali Nuur Shuute oo ah Aabaha dhalay guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Somalia Col Xassan Cali Nuur Shuute.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dabley ay gudaha u galeen Gurigiisa kaddibna rasaas huwiyeen marxuumka oo laakiin la sheegay in Guriga laga qaaday isaga dhaawac ah hase ahaatee markii danbe u geeriyooday rasaasta lagu furay.
Lama oga sababta ka dambeysa dilka guddoomiyaha maxkamada ciidamada Aabihiis mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka ka dhacay caawa Muqdisho.
Toogashadan ayaa imaneysa xilli shalay la bilaabay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay in ay ku lug lahaayeen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.