Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Itoobiya Oo Shahaadada Dhakhtarnimada U Diiday 17 Arday oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland & Sababta

$
0
0

Itoobiya Oo Shahaadada Dhakhtarnimada U Diiday 17 Arday oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland & Sababta

 

 

17 Dhhakhtar oo kasoo jeeda dalka Somaliland oo waxbarasho  culuunta caafimaadka ah ka dhamaystay dalka Ethiopia, ayaa  sheegay in aan wali la siin shahaadadoodii caafimaadka kuna xaniban yihiin dalkaasi.

Ardaydaan oo ka qalin jabiyay Jaamacada Hayaat iyo Bathel Medical College xafladoodii qalin jabintana loo qabtay ayaa loo diiday in la siiyo shahaadada dhaqtarnimada.

 

Sababta looga haysto shahaadadooda ardaydaan oo tiradooda tahay 17 ayey waxay ku sheegeen in ay tahay in dawladda Ethiopia kala xeer dhigtay ardayda dhakhaatiirta muwaadiniinteeda ah ee ay isku wakhtiga dhammaysteen waxbarashada.

 

Xeerka Ethiopia ee Ardayda  caafimaadka bartay ayaa dhigaaya inaan la  siin shahaadada ilaa uu laba  sanno oo tabarucaad ah ugu shaqeeyo dadkiisa, kanna hawl­galo xarumaha dawladda ama inuu bixiyaa 80,000 Bir si loo siiyo liisanka Dhakhternimada iyo Shahaadadiisa.

Ardaydan oo ahaa kuwa Iyagu iska bixinaayey dhaqaalihii ku baxay aqoon barashadooda ayaa wasiirkii hore ee caafimaadka ee dowladdii Siilaanyo dowladda Itoobiya kala hadlay in la siiyo shahaadadooda maadaama ay yihiin arday ajnabi ah oo aan lala xeer dhigi karin muwaadiniinta Ethiopia, hase ahaatee isbadalkii doorashada dhacday ayaa saameyn ku yeeshay ardaydaan iyo xili xaalad deg deg ah la geliyay dalka Ethiopia.

17-­ka Dhakhatiirtaan ee kasoo jeeda Somaliland iyo waalidiintooda ayaa Xukuumadda  cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi ugu baaqay inay wax ka qabato, iyadoo xilligan dalka Ethiopia ay ka jirto xaaladdo siyaasadeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>