Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

War deg deg ah: War la’aanta Xukuumadda Somaliland?

$
0
0

Muqdisho,(Qaran news)-Waxaa warar xogogaal ahi sheegayaan in dawlada Faderaalka Somaliya ay diyaarineyso qorshe cusub oo aargoosi siyaasaded ah kaasi oo lagu yareynayo dhaq dhaqaaqa duulimaadyadda ka dega Garoonka Hargeeysa, taasi oo loo aanaynayo colaadaha siyaasadeed ee soo kala dhex galay Labda Maamul xudunna ay u tahay DP world. Waxa qorshaha wassarrda duulista dawlada Farmaajo wadaa yahay in waddankii la odhan jiray Soomaaliya loo sameeyo hal Dal ka soo gal ama waxa loo yaqaano (one entry point), kaasi oo laa qorsheeyey in uu noqodo Muqdisho ama magaala madaxda. Si qorshahaasi u fulo waxa lagu qalabeeyey madaarka muqdisho dhamaan agabkii hagista hawada iyo nal kii habeenka si uu u shaqeeyo habeen iyo maalin. Waxa kale oo jirta in khilaafka dublamaasiyadeed dawladdaha carabta gaar ahaan UAE iyo dawlada Farmaajo loo aanaynayo arrintan, waxaana warar xogogaal ahi sheegeen in ay rabto dawlada farmaajo in ay ka aar goosato dawladda UAE tustana awoodeeda iyo in ay yihiin cida keliya ee lagala xaajoonayo arrimaha Somaaliya.

Si kasta oo ay arrintu ahaato Dawladda Somaliland waxa cadaatay in aanay waxbaba kala socon dhagaraha siyaasadeed iyo go doonka hawada ee ku soo socda. Waxaana haddii ay suurta gal noqoto arrintan dawlada farmaajo wado dhici doonta in diyaarrada madaxwaeynaha soomaaliland weydiistao fasax duulimaad muqdisho. Taasi waxa ay laf jab iyo xumaan ku tahay dadaalka Somaliland iyo qarankaba.

Sida aynu oggsoonahay, wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland oo hadda laga dhigay wakaallad wax qorsha ah oo cad ugama yaalaan arrimahan, teeda kale madaaraka Hargeysa oo ah ka casimadda malaha agabkii hagitsa iyo nal kii habeeenka ay diyaarraduhu ku soo degi lahaayeen. Waxay u muuqataa in wakaallada duulista iyo hawada Somaliland iyo xukuumadda Muuse Biixi ba ay ku fashilmeen in ay qalabeeyan Madaarka Hargeysa si dhacdooyinkan iyo kuwa la midka ahba looga hor tago.

Isku soo wada duuboo, sida qorshuhu u socdaa waxa weeyi in Somaliland laga dhigo Gobal ka mid ah somaliya. Waxaana lagu khasbayaa dhamaan duulimaadyadda ka soo dega madaarka Hargeysa in ay ku horeeyaan Muqdisho ka dibna si local ah ama duulimaad gudaha ah ay ku yimaadaan hargeysa. Su aasha is weydiinta lehi waxa weeyi maxaa uga yaalla dawladda Soomaaliland ee ay kaga hortegaysaa dhagartan siyaasadeed iyo go doonkan cusub eek u soo socda?


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>