Dawlada Itoobiya oo cadaysay mawqifkeeda qadiyada Jubaland iyo Madaxweynayaasha iska soo dabadhacaaya ee Kismaanyo lagaga dhawaaqay.
Hargeisa-(Qaran-news)-Afhayeenka Ra’isal-wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dawladiisu aanay ku lug laheyn muranka iyo khilaafka qarada weyn ee maalmahanba ka dhex aloosan Maamulada la magac baxay Jubaland ee dhawaan Kismaayo lagaga dhawaaqay,laguna doortay dhawr madaxweyne oo isbarbar yaacaya.
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisla wasaaraha Itoobiya oo u waramay idaacada VOA-da wuxuu xaqiijiyey in Itoobiya aanay taageersaneyn dhamaanba hogaamiyayaasha ku loolamaya maamulka Juboland, Hase yeeshee ay taageero mug weyn la garabjoogsan doonaan maamul kasta oo dawlada Somalia halkaas ka dhisto.
Geesta kale Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya wuxuu daaha ka feyday inay dawladiisu aaminsan tahay in dawlada Somalia wado ama ku dedaalayso sidii xal kama danbeysa ay uga gaadhi lahayd ama u soo afjari lahayd xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan Kismaayo.
Qarannews
Hargeisa