Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Waraysi dhinacyo badan taabnaaya oo lala yeeshay muj. Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen oo ku sugan dalka Ingriiska

$
0
0

Waraysi dhinacyo badan taabanaaya oo aanu la yeelanay muj. Abdiraxman Sheekh Xuseen oo ka mid ah madaxda sare ee xsibiga Kulmiye ee talada dalka gacanta ku haya, isaga oo jooga magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska waraysigaasina waxa uu udhacay sidan hoos ku xusab.

 

Muj. Waxa aad ka timid dalkii dhawaan oo in mudo ah aad joogtay bal xaalad guud naga sii sida ay hada wax yihiin?

 

Waxa aan idin salaamayaa dhamaantiin, wadanku guud ahaan waxa uu ahaa nabad galyo, marka laga reebo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaanka Ceelafweyn, oo ay xukumaddu colaadaasi xakamysay si fiicana u gashay arinkeeda ilaa hadana gacanta si buuxda loogu hayo, waxa kale oo jira arimaha sicir bararka oo aafeeyay dalka oo dhan taasi oo mudo dheer soo socday, xukumaddan hada ee madaxweyne Muuse Biixina wax weyn iyo dadaalo culus ayay ka qabatay waxana lagu rajo waynyahay in guulo laga gaadho arinkaasi.

 

Muj. Waxa jirta kala qaybsanaan soo waajahday bulshada reer Somaliland oo salka ku haysay doorashadii dhawaan dalka ka dhacday arinkaasi sideed u argtaa in dadka dib loogu midayn karo oo looga dhex saari karo kala qaybsanaanta?

 

Horta waxa jirta in doorasho kasta oo dalka ka dhacda lagu galo xumad iyo xamaase aad u heer saraysa, doorashadii qabsoontay kuwaasi ayay uun ka mid ahayd, waxana aakhrkii la isla qaatay in la taageero go’aakii gudiga doorashooyinka qaranka ee xisbigii ku guulaystay doorashadii dhacday taasi oo ay xisbiyada qarankuna wada qaateen, iyada oo ay taasi jirto xukumadda Muuse Biixi waxa ay markiiba ku dhaqaaqday talaabo mihiim ah oo lagu midaynaayo shicika arinkaasina waxa uu maanta maryaa meel aad u fiican waxii dhimana waxa xukumadda ka go’an in ay dhamaystirto, arinkaasi oo aan aad ugu xog ogaalsanahay.

 

Muj. Waxa jirtay in aaad dhawaan dalka Ingriiska kula kulantay hay’ado u adeega daka naafda ah ee caalmka bal arintaasi faah faahin naga sii?

 

Marka hore anoo ka duulaaya qorshaha xukumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa aan ku dhiiraday in aan arinta naafada wax badan kla qabto madaxweynaha aniga oo khibrad dheeraad ah u leh arintaasi oo in mudo ah aan arimahaasi ku soo jiray shirar caalami ah iyo kuwo aan ahaynba aan ka qayb qaatay, waa run oo way jiraan in aan lbadii todobaad ee ina dhaafyba arimahaasi ku mashquulsnaa, runtiina guulo wax ku ool ah ayaan ka gaadhnay waananu sii wadaynaa arimhaasi.

 

Muj. Shirarkaa naafda marka laga yimaado ma jiraan kuwo kale ee jaahilyadaha reer Somaliland ee UK- aad wada yeelateen se hadii ay jiraan maxaad ka wada hadasheen?

 

Waad ku mahadsantahay su’aashaasi, way jiraan kulamo isdaba joog ahoo hadh iyo habaynba aanu wada qaadanynay xubno mihiim oo ka soo kala jeeda dhamaan bulshada reer UK- waxana aanu dhamaan isla qaadanay in arimahani la joogteeyo oo loo guntado sidii loo midayn lahaa umadda.

 

Ugudabyna waxa aan umadda Somaliland ugu baaqayaa in si buuxda la isu garab taago mashruuca dekada Berbera ee cadawga Somaliland oo dhami isu soo bahaystay sidii loo fashiln lahaa taasi oo aan marnba suurto gali doonin


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>