Hooyo macaan
Mahad dhamaanteed waxaa iskaleh allah , inaga yeelay umad islaama ,
Waxaan u mahadnaqayaa hooyaday macaan qaali , saynab aadan jaamac.oo aan aad u jecelahay. Allah haku xifdiyo hooyo mcn , allah raali hakaa ahaado hooyo mcn.
Waxaan halkan kusoo gudbinayaa maqaal ku saabsan hooyada.

Masoo koobikaro qiimaha hooyo ay leedahay laakin waxaan soo qaadanayaa
In kamida.
Allah markuu kawaramaayey in ilaahay kaliya la caabudo.
Allah waxaa uu booska labaad dhigay waalidka in loo ixsaanfallo oo lawaanajiyo.
Allah waxaa uu raali ka noqdaa qofka ay labdiisa waalid ay raali kanoqdaan,
Allah waxaa uu u cadhooda qofka ay labadiis waalid u cadhoodeen.
Rasuulkeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, asxaabi ayaa waydiiyey
(Yaa igu mudan oo igu xaqbadan oo dadka inaan wanaajiyo suxbadiisa)
Rasuulkeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaa ugu jawaabay hooyada
Yaa ku xiga ayuu waydiiyey asxaabigii (ilaahay raali hakaa haadee).
Rasuulkeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaa ugu jawaabay hooyada.
Yaa ku xiga ayuu waydiiyey asxaabigii hadana (ilaahay raali hakaa haadee)
Rasuulkeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaa ugu jawaabay hooyada.
Yaa ku xiga ayuu waydiiyey asxaabigii hadana (ilaahay raali hakaa haadee).
Mar afraadkii ayaa rasuulkeenii nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ugu jawaabay aabaha.
Hooyadu markay uurka qaado waxaa ay lakulantaa.
⦁ Xanuun
⦁ Hurdo la,aan
⦁ Cuntada ay cuni waydo
⦁ Daawada oo ay iska ilaaliso iayadoo ka baqaysa in ilmuhu wax gaadhaan.
Hooyadu markay umusho ilmaha waxyaabaha ay lakulanto waxaa kamida,
Waa nimco wayn oo illaaahay siiyey hooyada. In illaahay ubad ugu deeqo ,
Hooyada waxaa u bilowda arimahan soo socda.
⦁ In hooyo ku ilaaliso
⦁ In hooyo ka faraxdo markaad faraxdo
⦁ In hooyo ka murogoooto markaad oydo
⦁ In hooyo kusoo jeedo habeenkii hadaad xanuunsato
⦁ In hooyo dhabteedu kuu tahay suuli labo sanno kaamila haddana laga dareemin,
Hooyo qaali intaa aan sheegay waxaa ka badan inta aanan sheegin oo qofkasta oo caqli leh garanaayo.
Abwaanka hadraawi ilaahay ha xifdiyee markuu ka hadlaayey hooyada waxaa uu yidhi
Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga .
Abwaankii cadhays ciise ilaahay naxaristii janno haka waraabiyee markuu hooyada ka hadlaayey isaguna wuxuu yidhi tixdan soo socota
6. Ha’dii kale waxaan lahaa
7. Muddaan uurka hurrudnoo
8. Culays bey hayn jidhoo
9. Talaabtey la hakatoo
10. Xanuun bey la hingateye
11. Hooyadu waa lama huraan
12. Ha’dii kale waxaan lahaa
13. Habeen goor uu bartamay
14. Caanihii bey nagu habtoo
15. Horaadkey noo dhigtoo
16. Dharkii bey na huwiseye
17. Hooyadu waa lama huraan
18. Calooshaadoon hif oran
19. Adiga oon ka haqab bi’in
20. Hunguri ma haweeysatee
21. Hooyadu waa lama huraan
22. Habaaq goor aad tahayo
23. Talaabta aan la holi karin
24. Adoo ciiddii hambaday
25. Dhaqsaba waa ku hinjisaye
26. Hooyadu waa lama huraan
27. Afkaa aan ku hadalniyo
28. Hannaankeeniyo hub-qaad
29. Hagaag bey noo bartaye
30. Hooyadu waa lama huraan
31. Innaga oon haybad qabin
32. Hal beesa aan suubsan karin
33. Habaaskeey naga huftoo
34. Waa tii noo hiilisaye
35. Hooyadu waa lama huraan
36. Sidaanaan halis u gelin
37. Hungurigay suubisaa
38. Dhaqsaba hoo nama dhehdee
39. Intii ey ka hubsataa
40. Iyada yaa ku hormartee
41. Hooyadu waa lama huraan
Markaad gudo xaqa illahay kugu leeyahay oo inaad caabudo,kaligii ,xaqa labaad waa waalidka inaad gudo xaqooda.
Qofka raba inuu guul gaadho aduun iyo aakhiraba waa in uu waalidkii wanaajiya
Qofka raba inuu kunoolaado farxad waa inuu wanaajiyaa waalidkii
Qofka raba inuu kunoolaado cisi iyo sharaf waa in uu waalidkii wanaajiya,
Waxaan allah ka baryeyaa inuu iga dhigo qof xaqa allah iyo xaqa waalidkaba gudda,
Hooyooyinkay aan jecelahay ee qiimaha badan. Waxaan ugu ducaynayaa duco hore loo tiriyey.
⦁ Rasamaalka aduunkiyo haddaan xoolo kuu raro xaqaaga ma ridayee
⦁ Raxmadiyo iyo barwaaqiyo raaxo igu noolow rug ku yeelo jannada.
⦁ Hooyo macaaneey rasuulkeenii udgoonaa intii raacday rabi kayeel.
⦁ Hooyo mcn saynab aadan jaamac
⦁ Hooyo mcn farow aadan jaamac
⦁ Hooyp mcn maryama salad jaamac
Alla mahadleh
w/d; cali ibraahim dhunkaal (cali dhunkaal)
sanaag901@gmail.com