Shirkada Telesom waxay ka mid tahay shirkadaha ugu horreeya xagga tiknoolajiyadda waddamada Africa, waxaannay ka mid noqotay shirkadaha ku guulleystay “Mobile Money Transfer” Mobilada lacagaha lagu xawilo.
Shirkada Telesom waxay ka mid noqotay shirkadaha ugu shaqaalaha badan marka la joogo soomaaliland.
Shirkada Telesom waxay ka mid tahay shirkadaha ugu adeegyada badan soomaaliland.
Shirkada Telesom waxay ka mid tahay shirkadaha ugu hantida, iyo dhismayaasha badan soomaaliland.
Shirkada Telesom waxay kor u qaadday Magaca soomaaliland waxaanna tusaale u ah Adeega Zaad Iyo sida uu caalamku u amaanay waliba ninka ugu sarreeya Xagga Tiknoolajiyadda iyo dhaqaalaha ee Maraykanka Mr Bilgate.
Shirkada telesom waxa saammi ku leh cidkasta oo buuxisa shuruudaha lagu noqdo saammilayda iyagoo sanadkasta hella wixii ay xaqa u lahaayeen.
Shirkadda Telesom waxay in badan oo aan joogsi lahayn ka qayb-qaadatay Abaarihii dalka ka dhacay, waxay taageero la garab istaagtaa jaamacadaha dalka, shaqo abuur iyo dhiirri-galinta cayaaraha iyo dhalinyaradda.
Shirkada Telesom waxay caan ku noqotay amaanno iyo adeeg hufan oo markasta la jaanqaadaya casriga iyo isbeddelada dunida ka socda waxaannay noqotay shirkada kaliya ee maanta ina gaadhsiisay casrigan Tiknoolajiyada iyo horumarka isgaadhsiinta.
Shirkada Telesom waxay maanta waddamo badan oo caalamka ah kaga yaabsiisay habka isticmaalka adeega Zaad iyo adeegyadda kale ee shirkada taas oo waddamada jaarku is waydiiyaan waddan aan la citiraafin oo haddana halkaa gaadhsiiyay tiknooliyada!
Runtii maanta marka laga hadlayo xaqiiq aan ku dhisnayn siyaasad xumo shirkada Telesom waxay u qalantaa in Taallo loo dhiso.
Marka aynu dib u milicsanno halkii aynu ka soo bilawnay Isgaadhsiinta iyo halka aynu taagan nahay waa mid aad u balaadhan farxad iyo horumarba laga dhex arkayo waxaanna sabab u ah shirkada telesom oo markasta bilawga lahayd.
Caalamka shirkadaha caynkan oo kale ah waxaa abaal gud looga dhigaa cashuur dhaaf iyo ilaalin dhinacwalba ah sida amaanka se taasi maanta may dhicin oo qofkii dantiisa ka waayaba cadaw buu u arkayaa shirkadaha noocan ah.
Shirkadda Telesom waxa maalmahan lagu soo rogayay amaro xagga zaadka ah taas saammayn ku yeeĺlatay shacabkii iyo shirkaddiiba.
Amaradda dhaqaale ee xagga dawladda ka yimaada ee haddana ku saabsan shirkadaha waxay inta badan sababaan laba midkood.
1. Burbur dhaqaale
2. Burbur shirkadeed
Haddii dawladdu garanwaydo xaqa shirkadaha iyo muwaadinka waxay la mid tahay in halkaasi dhib dhaqaale ka abuurmi karaan.
Guntii iyo geba-gebaddii waxaan dawladda u soo jeeddinayaa inaanay shaqooyinka shirkadaha amaro dul dhigin oo ay dhinacyo badan wax ka eegto.
Sidoo kale in shirkadaha lagala tashado sidii ay xal ugu raaddin lahaayeen sixirbararka.
Shirkada Telesom waxay markasta diyaar u tahay inay xal u hesho sixir bararka waxaanna tusaale inoogu filan in maalintii Zaad Dollar laga cawday ay sammaysay Zaad shilin sidoo markii labaad si ay Caashka u socodsiiyaan waxay sammaysay Isku beddelka Dollarka iyo Cashka iyadoo markasta ka duullaysa ka hortagga Sixir bararka.
Shirkadda Telesom waxay baaldahab ah kaga jirtaa taariikhda soomaalilaan se ragbaa u tashaday inay ka saaraan Allena wuu arkaa oo wuu ka qaban.
Rakad Mxd Sultan.