Wareegto kasoo baxday xafiiska Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-thani ayaa safiir u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo dalkaasi uga wakiil noqon doona xidhiidhka iyo arrimaha Soomaaliya.
Magacaabista safiirka Qatar ee Somalia ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya safar rasmi ah ku tago dalka Qatar.
Safarkiisa oo magaciisa la yidhaahdo Ambassador Xasan Xamza Asad Haashim ayaa awood dheeri ah loo siiyay inuu geli karo heshiisyo uu dalkiisa wakiilka kaga noqonayo, wuxuuna awood ahaan ka sareeyaa safiirada caadiga ah ee dalkaa u fadhiya dowladaha kale.
Qatar ayaa ka mida dalalka Khaliijka ee ku loolamaya xaaladda Soomaaliya, waxaana dhowaan xumaaday xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya, kadib markii shirkadda DP World ay heshiiska dekadda Berbera ku soo biirisay dalka Itoobiya.
Qatar ayaa lagu wadaa inay heshiisyo dhowr ah la saxiixato Soomaaliya, iyadoo kordhin doonta taageerada dhaqaale ee ay siineyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.