Warar dheeraad ah oo ku saabsan iska horimaad ka qarxay Muqdisho oo u dhexeeya Ciidamada Imaraadku Tababaro & Nabadsugida Somalia
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaadka ka qarxay Agagaarka Tarbuunka Muqdisho oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan nabad-sugida Somalia iyo ciidamada uu tababaro Dalka Imaaraadka Carabtu.
Dadka degmada ayaa sheegay in ay maqlayaan mar marka qaar rasaas culus, wallow hadda xaaladu u muuqato mid degan.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka ay ka qeyb qaadanayaan qoryaha ku rakiban gaadiidka dagaalka, taasoo baqdin weyn ku abuurtay dadka degan agagaarka Tarabuunka.
IsgoyskaTarbuunka oo ah meel aad u mashquul badan oo ay isticmaalaan gadiidka dadweynaha ayaa xidhan, waxaana lagu arkayaan oo kaliya ciidamo aad u hubeysan.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka labada dhinac