Xukumada Siilanyo oo Cafis u fidisay,Xabsigana ka sii daysay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi
Hargeisa-(Qaran-news)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo xukumada Siilanyo xabsiga u taxaabtay muddo sadex bilood ku dhawaada ka hor ayaa xabsiga laga sii daayey.
Ilo Wareedyo xogogaala oo u dhuun daloola arimaha xadhiga iyo sii daynta Boqor Raabi ayaa Qarannews u xaqiijiyey in xukunkii Xukumada Siilanyo ku riday boqorka oo ahaa Muddo laba sano ah ,xidhnaana mudo sadex bilood ku dhawaada Madaxweyne Siilanyo saamaxay, Boqorkuna sidiisa u aqbalay cafiskaas loo fidiyey.
Boqor Raabi ayaa xukumada Siilanyo ku eedaysay inuu ka qeyb qaatey ama qeyb ka ahaa shirar lidi ku ah madaxbanaanida iyo gooni-isutaaga Somaliland isagoo xukumada Siilanyo ku masabiday inuu soo xulay xubnaha beeshiisa kaga jira Barlamaanka federaalka ah ee Somaliya.
Qarannews
Hargeisa