Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Nin muslim ah oo loo dilay Sac uu ku duceystay …..

$
0
0

Nin muslim ah oo ay da’idiisu dhexdhexaad tahay oo saxibbadii la socday xilli habeennima ah ayaa waxaa soo weerarary nin aaminsan diinta hinduu-ga kaas oo budh sitay, wuxuuna la dhacay ninkii muslimka ahaa ilaa ay nafta ka baxday.

Mid ka mid ah saaxibadii ninkaasi la socday oo uu dhaawac culus halkaa ka soo gaadhay ayaa yaalla Cusbitaal.

Weerarkaasi ayaa wuxuu abuuray cadho aad u weyn maadaamaa ninkaasi muslimka ah uu naftiisa ku waayey sac uu gowracay islamarkaana uu ku duceystay.

Qoyska ninka dhintay ayaa diiday in uu wax khalad ah sameyeeyay, ninka dhaawacmayna waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu sac gawracay.

Lo’da ayaa si weyn looga xurmeeyaa gobolka Madhya Pradesh si la mid ah gobollo badan oo ka mid ah dalka, iyada oo dalka Hindiyana ay dambi tahay in lo’ la dilo.

Muslimiinta dalka India oo lo’da siyaaba kala duwan u isticmaala ayaa marar badan dhibaatooyin kala kulma dadka hinduuga ah.

Booliska gobolka Madhya Paradesh ayaa heegan la geliyey iyada oo aad looga cabsi qabo in ay muslimiinta iyo Hinduuga iska hor keento dhacdadan, iyada oo hadda ka hor ay iska horimaadyo ka dhashay arrima noocan ah ay dad badan ku dhinteen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>