Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Ninka 6 Tuulo oo reerkoodu wax ka tagaan u diidan Degmadii ay ka tirsanaayeen, ee hadda Somaliland oo dhan doonaya inui cod ka helo oo uu xukumo

$
0
0
jeex

Ninbaa laga hayaa laba walba isa saarayo laba tagoogood wali isma saari, waxay shacbi waynaha reer Somaliland inta badan ee walaalnimada iyo wada noolanshaha qadarinaysaa ay aad ula yaaban yahiin mixnada iyo fidnada lagawado qaybo ka mid ah Gobolka Awdal gaar ahaan dhulka hoos yimaada degmada lughaya oo horana si cadaalad daro ah looga hor istaagay waxii sharci iyo dastuurkuba u ogalaayeen oo ah in ay wax doortaan lana doorto. Dadka duulo ee muranka la galiyay dagani waa dad walaalo ah oo ayba dhib ka dhex taagnayn waxaana fidmada laga soo afuufayaa Xaafada 26 June ee Galbeeedka Hargiesa oo aynu arkaynay rag magac Suldaano sheeganaya sidii qaawanayd ee ay Media uga hadlayeen iyaga oo fidmo iyo cadaawad ka dhex hurinaya dad walalo ah oo nabad ku wada nool.

Waxa iyadana wax lala yaabo ah in rag waaweyn oo siyaasiyiin sheeganayaa qaarkoodna Madaxweyne inay noqdaan hamiga uu u hayaa sida ay ukala fogeenayaan dadkaas allah is baday ee deegaanka ku wada nool ee cidwalbana isla xiga. Waxaan xasuusin lahaa ragaas mansabka wayn u ordaya laakin qabyaaladu iyo dhul boobku kala waynyahay, 6 oo yaryar oo 3 Beelood oo walaalo ah ay wada dagaan ayaad mixnad ka dhex abuuraysaa oo aad isku hayn kari waydaye sidee baad Somaliland oo dhan iskugu hayn kartaa sow maaha macnaheedu, ninkii Maqasha Daayacay ee Geela loo diray.

Waxaan kusoo gabagabayn lahaa maqaalkaygan kooban, dardaaran aan u jeedinayo dadka walaalaha ah ee deegaankaas wada daga, idinka ayaa iska xiga cidkasta, ninkasta oo cod idinka doona oo dantiisa wada waxa uu idiin hamhamleeya waa wakhti yar oo kooban, yaan laysku kiin dirin, nabad ku wada noolaada, cidkasta idinka iska xiga, meeshaaf waligiin ka tirsananaydeen ayuunbaad ka tirsanaanaysaa, go aanka idinla iska leh, nin barafka Hargiesa ku nuugaa, caruurtiisuna iskuulada basaska lagu qaadu u dhigtaan yaanu fidno idinka dhex abuurin.

Xaqu waa guulaysan, xaqdaraduna waa guuldaraysan.

Allaa mahad leh
By Maxamed Jeex.
Brussels Belgium
Activist.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>