Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Cali Gurey oo qiray in Wasiir Samsam Cabdi Aadan musuq faraha kula jirto. Daawana Waxa Uu Qiraayo

$
0
0

Gudoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid ee garabka Jamaal Cali Xusseen Cali Maxammed Yuusuf, Cali Gurey ayaa isaga oo taaga ka dareen celinaya warbixin ku soo baxday Shabakada Caalamiga ah ee Qarannews islamarkaasna daahfuraysay guryo, biriijyo iyo Beero ay Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, sida warbixinta lagu sheegay si sharcidaro ah uga meelaysatay hantida Qaranka uu si qabyaalad cad ah oon geedna loogu soo gaban bartiisa Facebook uu ku leeyahay ku sheegay inaanay Marwo Samsam keli ku ahayn musuqmaasuqa ee ay jiraan masuuliyiin kale oo ku weheliya musuqmaasuqa ka socda dalka.

Cali Gurey wuxuu musuqmaasuq ku eedeeyay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillahi Cirro, waxaanu sheegay inuu awal qarinayay haddase kol haddii gabadha ay isku jufada hoose yihiin wax laga qoray uu isna soo qufi doono musuqmaasuqa Gudoomiye Cirro.

Sidoo kale Mujaahid Cali Gurey oo ku caan baxay cayda, aflagaadada iyo xajiimaynta masuuliyiinta kasoo jeeda beelaha kale ayaa aad uga gubta marka siyaasi jufadiisa hoose ah wax jira laga sheego, isagoo inta badan eedaymihiisu ay u badan yihiin kuwo ku salaysan malo-awaal aan lahayn cadaymo sugan, halka warbixinta uu ka gubtay wadato cadaymo la tixraaci karo.

Sidoo kale, Cali Gurey ayaa markiiba isku qaaday Beel ka mid ah Beelaha Somaliland halka ay ahayd inuu naqdiyo warbaahinta qortay warkaas uu ka biyo diiday ama dhibsaday.

Isku soo wada biyo xooriyoo, Waxaa uu cadaystay Cali Gurey inuu yahay cirro-baaqatay oo qabyaalad iyo buqdi daacaya, mucaaradada uu meelahaas kaga buuqaana tahay mid aan qanjaha dhaafsiisnayn oo ku kooban dantiisa iyo ta jufadiisa hoose ee uu kasoo jeedo.

“Nin ambaday halkii uu aaday way ula eekoonaatay”. We feel sorry for Ali, it’s absolutely poor showing up”.

Hoos ka ka daawo waxa uu qiraayo Cali Guray

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>