Siilaanyo Wuxuu Guudka Kaga Fadhiyaa Bam Saacad Kasta Qarxi Kara, Waxaanu Taagan Yahay Halkii Xabiib Burqiiba, Burcana Laguma Xukumi Karo RRU.
Qormadii 1 aad
Soomaalida sideedaba laguma xukumi karo xoog,cadaadis iyo caga jugleyn waxase lagu xukumi karaa jilib salaax,wada tashi, isu tanaasul,is qiimayn iyo is qadarin kaligii taliyihii ugu madaxa adkaa ee soo mara umadii soomaaliyeed wuxuu ahaa Maxamed Siyaad Barre oo aynu og nahay natiijadii camalkiisu wixii uu gayaysiiyey, dhamaadkii nolashiisa, iyada oo tirada guud ee ciidamadiisa iyo magacyada ay kala lahaayeen ay ahaaneen kuwo aan la soo koobi karin,sida ciidamadii xooga dalka soomaliyeed,ciidamadii booliska soomaaliyeed,ciidamadii guulwadayaasha umada ,ciidamadii asluubta,ciidamadii hangashta ee loo yaqaanay dhabar jabinta, cidamadii nabadsugida,ciidamadii xuuraanka iyo dabagalka shisheeyaha,ciidamadii duub casta ahaa ee loo yaqaanay 77aad iyo weliba qaar kale oo badan.
hadaba maanta mashaqada ka dhacday magaalada Burco waa mid ka dhalatay tala xumada makasta iyo magaratada ku xeeran siilaanyo oo ka faa’iidaysaanya marxalada uu taagan yahay tii uu taagnaa Xabiib Burqiiba dhamaadkii sideedtamaadkii.
hadaba dadkan maanta la doonayo in lagu cabsi geliyo ciidamada RRU waxay ahaayeen dadkii u badheedhay Maxamed Siyaad Barre oo ay gadaanayeen waxaa ciidamo aynu soo sheegnay iyo qaar aynaan sheeginba, akhristow markii aan anigu maqlay mashaqada ka dhacday magaalada Burco waxaan amrkiiba la xidhiidhay qaar ka mid ah odayaasha magaalada burco si ay iigu xaqiijiyaan halka ay sartu ka qudhuntay , waxayna ii sheegeen sidan.
maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda xiniinyo kuwa kugu jira maaha ee waa kuwa lagula bar bar taagan yahay, maayarka magaalada burco ee hada joogaana wuxuu ku shaqeynayaa rabitaanka madaxweyne siilaanyo oo doonaya in uu ilaha dhaqaalaha oo dhan ku koobo beeshiisa,waxaanu maayarka burco soo saaray amar uu iska rogooyinka kaga mamnuucayo inay ciida dhismaha magaalada loo isticmaalo ka guraan dooxa Burco, waxaase dhacday in iska rogooyin ay dawlada hoose ee Burco leedahay ay ciida ka guraan dooxa burco kana iibiyaan dadka wax dhisanaya, iska rogooyinkaasina waxaa si gaar ah ugu shaqaysta oo lagu naas nuujiyaa rag ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo, lacagta ka soo baxdana iska rogooyinka maaha mid dawlada hoose loo xareeyo ee waxaa iska isticmaala raggii loogu talo galay.
hadaba hadii aynu soomaali nahay sali baynu kuwa fadhinaa oo waxba inooma kala qarsoona waxaa meesha ka soo baxday markii wax kale oo dhan la soo dhaafay in cidii dooxa burco kooto loogu xidhay rag ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo si ay dhaqaale uga helaan.
hadaba arintani iyada oo halkaasi maraysa ayay diorawaladii iska rogooyinka ciida ka guri jiray dooxa burco cabashadooda la hor tageen xarunta dawlada hoose ee Burco, waxayna halkaasi kula kulmeen maayarka burco oo ay u sheegeen in aysan aqbalayn oo aysan suurta gal ahayn in ciida dooxa burco iyaga loo diido isla markaana ay iska rogooyinka ay dawlada hoose leedahay oo rag lagu naas nuujinayaa ka soo guraan dooxa ciida kana iibiyaan dadka guryaha dhisanaya, halkaa markii ay maraysay ayuu maayarka Burco dalbaday ciidamada RRU, ciidamadasina waxay markiiba isku dayeen makhaayadihii ka soo hor jeeday dawlada hoose ee Burco oo ay raggu bunka iyo shaaha ka cabaan ka kiciyaan haye yeeshee waxaa dhacday in ninka mid ahaa raggii halkaasi fadhiyey uu ciidamada u sheegay in aysan xaq ugu lahayn in ay halkan ka kiciyaan kadiba nin ka mid ahaa ciidamada RRU ayaa ku jawaabay waar xabad madaxa kaga dhufo si ay kuwa kale gu quus qaataan sidaasi ayaana ninkaasi lagu dilay rabshaduhuna halkaasi ayay ka bilaameen.
hadaba saaxiibayaal waxaan maanta idinku dhaafayaan mid ka mid ah suugantii wiilkii uu dhalay Odaygii magan gaabo ee ka hadlaysa hadii ilaha dhaqaala iyo kunka dawladnimo cid gaar ihi isku koobto dhibaatada ka dhalata iyo dadka kale in aysan sidaasi raali ku ahayn oo ay ka hor iman doonaan iyo in ninka xukunka haya iyo dadka shacabka ahi ay isu baahan yihiin, hadii uu ninka xukunak ahaa uu ka kaaftoomo iyagauna ay ka kaaftoomi doonaan waxaanu yidhi.
Masow Aabahay iyo Waxaan Magan Ka Soo Gaadhay . Rag Waxaan Ku Maamuli Aqaan Ama Ku Maamuusi,Mase In aanu Nahay Ooy Tolnimo Meerto Noo Tahay Masalaha Ninkaan ii dhigayn Midig Ma Saaraayo. ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho.
hadaba isku soo wada duuduuboo Siilaanyo Wuxuu Guudka Kaga Fadhiyaa Bam Saacad Kasta Qarxi Kara, Waxaanu Taagan Yahay Halkii Xabiib Burqiiba, Burcana Laguma Xukumi Karo RRU.
La Soco Taxanaha danbe ee qormooyinkan.
Qalinka:C/siraaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland