Laascanood,(Qaran-news)- Tan iyo in mudo ahba waxa magaalada Laascanood ka dhacaayay dilal qorshaysan oo lagu bar tilmaameedsanaayo ganacsatada,aqoonyahanka madaxda sare ee dawlada Somaliland ee gobolka iyo degmada Laascanood intaba, waxna sidoo kale la halbeegsnayaa hal doorka gobolka iyo cidii loo tuhmo in ay gacan saar dhow la leedahay laamaha dawlada Somaliland.
Arimahani waxa ay bilaabmeen xili hore wax cusubna ma aha hase ahaatee waxa si fiican arintaasi uga hawlgalay xiliyo badan dawladii hore ee Dahir Rayaale, gaar ahaan wasiirkii hore ee arimaha gudaha mudane C/lahi Cirro oo mudo sadex bilood xafiiskiisii xiligaasi ula wareegay magaalada Laascanood waxana ay xiligaasi xaqiijiyeen in aan argagaxiso ka maqnayn meesha xaga gudoomiyahii xisbiga Kulmiye ee xiligaasi oo hada ah madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu dilalkii xiligaasi ee ilaa maanta taagan uu dusha ka saaray dawladii Dahir Rayaale.
Hadaba todobaadkani ayaa wasiirka cusub ee arimaha gudaha ee Somaliland uu daboolka ka qaaday in magaalada Laascanood waxa dilalka ka fulinyaa ay yihiin ururka Alshabaab oo u sheegay in ay shaqo ka qaban doonaan, dareenka noocaasi ah ee uu bixiyay wasiir Faratoon waa mid ay qabaan dad badani oo reer Somaliland ahi, isla markaasina u baahan in si deg deg ah wax looga qabto oo aan lagu eekaysiin hadal uun.
Dhanka kale dad ku dhow dhow wasiirka arimaha gudaha Yasiin Maxamuud Faratoon, ayaa xaqiijiyay in shalay galab ay ururka Al-shabaab fariin xaga khadka mobilka ah u soo gudbiyeen wasiirka isla markaasina ugu hanjabeen in ay ka aargoosan doonaan oo ay waxyaabo badan samyn doonaan, fariintaasi ka dib waxa la laban laabay amniga dalka iyo ta gobolka waxna heegan buuxa la galiyay dhamaan laamaha la dagaalama ururkaasi iyo aragagixsada.
Waxna laga filyaa wasiirka cusub in uu sugo amaanka shicibka iyo umadda reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Laascanood oo habaynkii ay la soo gudboonaato cabsi xoogani