Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Musharax Muuse Biixi iyo Gacan-yarihiisa Faysal Cali Waraabe oo Abaabulaya qorshe Lidku ah

$
0
0
muuse

Musharrax Muuse Biixi iyo Gacan-yarihiisa Faysal Cali Waraabe oo Abaabulaya qorshe Lidku ah Inaan Dib Loo dhigin Doorashadda Madaxtooyadda, Baarlamaanka-na dib loo dhigo+ Deenayayaasha Deeqda Somaliland ka Caawiya oo aan aqbali Karin kala qaadista labada Doorasho iyo Fajida Gud. Cirro Maagan yahay+ maxa S/land dani ugu jirtaa

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo gacan-yarihiisa Xisbiga Ucid Gudoomiyaha ka ah Faysal Cali Waraabe ayaa ku hawlan qorshe Lidku ah in labada Doorasho ee isku lamaan ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka la kala reebo. Kuwasoo shalay ilaa caaawa kulamo gooni-gooni ah la qaadanaya shaqsiyaad bulshada caanka ah, isla markaana ka dhaadhicinaaya inay taageeran kala qaadista labada doorasho, kana soo horjeestan in dib loo dhigo Doorashadda Madaxtooyadda.

Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi iyo Faysal Cali waraabe oo sida la rumaysan yahay Kaambeenar u ah Gudomiyaha Kulmiye, isla markaana xisbiga Ucid sheeganaya inuu Gudoomiye ka yahay ayaa aragti ahaan ka duulaya hadii doorashadda madaxtooyaddu dib u dhacdo uu Muuse Biixi taagan yahay Khasaare baaxadleh, isagoo werwer ka qabaa arrintaas, waxa uu Gudoomiyuhuu taagan yahay sidii qorshaha Madaxweyne Siilaanyo dhowaan wareegto ku dalbaday lagu kala qaado doorashooyinka isku laamaan ee Wakiiladda iyo Madaaxtooyadda. Waxanu hirgelinta qorshahaas iskugu geynayaa wixii karaan kiisa ah.

Geesta kale, qorshaha kala qaadista Doorashadda Madaxtooyadda iyo golaha wakiiladda ayaa hadii ay isku dayaan inay waxka bedelaan Xeerka qabsoomida Doorashadda la kala qaaday, waxay ku noqon doontaa arrin Faddeexad tii ugu weynay ee abid ay ku kacaan Mudanayaasha, hase-yeeshee dariiqa keliya ee u furani waxa uu yahay inay labada doorasho oo isku sidkan dib u wada dhigaan, madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ilaayo mudada xal rasmi ah lagaga gaadhi karo muran saami qaybsiga golaha wakiiladda.

Sidoo kale Gudoomiyaha golaha wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Ciro ayaa la filayaa arrintaa inuu giim Siyaasadeed ka ciyaaro maadaama oo uu yahay Musharraxa Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani, isagoo isku eeggaya qadiyadda deeq bixiyaasha iyo sidoo kale iswaafajinta Xeerka Doorashooyinka iyo wareegtadii madaxweynuhuu ku dalbaday kala qaadiska ama kasoo talo bixinta qorshaha cabaqada ku ah nidaamka Doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha Mudo kordhinta Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka waxala sheegay hadii iyagoo isku lamaan dib loo dhigo lagu qancin karo Daneeyaasha deeqda Doorashadda ka caawiya Somaliland, hase-ahaatee waxa la sheegay hadii la kala qaado labada doorashoo inay Doonarista deeqda doorashadda ka caawiya inay Somaliland faraha ka qaadi doonaan, tallaabada faro ka qaadistuna waxay Somaliland dhaxal siin karaa sumcad xumo iyo inay dib u masaxdo radadkii Dimuquraadiyadeed ee ay ku tallaabsatay.

Hoodo Abdi Maxamed
hoodo4244@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>