Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xasuusin xaraashka xerada militeriga Hargiesa ee bir-jeex

$
0
0

Dadka ku mamay xaraashka hantida guud ee ummada ka dhaxaysa waxaan xasuusinayaa waxa qudha ee hadhay in ay tahay xerada militeriga ee Hargiesa Bir-Jeex. Kol hadii Dugsigii Shiekh bashiir ee astaanta tacliinta ahaa la iibiyey xerooinka cidanadana ha ku darsadaan xaraashka. Qasriga madaxtooyadana yaanay ilaabin inay sii iibiyaan intaanay ka bixin. Waxay ku culataba ha waydee. Kol hadii shicibki damqan waayay oo is hor taagi waayay iibka iyo xaraashka xad dhaafka ah ee madaxtooyadu wado oo weliba lagu laaluushayo cashuurtii dalka wax la dhowrtaaba meesha ma yaalaan. Dhaxal wareegu wuxuu bilaabmay markii ay Amina Weris tidhi qasnada maaliyada aqalka iigu keena ee ay Zamzam oo saaxiibadeed ah wasiirka maaliyada ka dhigatay. Marka Dekeda Berbera dadka laga laaluushayo si aanay uuga hor iman wareejinteeda ma barwaaqo ayaa dadka loo hor seedayaa mise waa boob cadaana. Guul-wadaynta wadanka ka socota waxa ka yaabay xildhibaan nac-nac oo is lahaa cid kaa guul wadaysani ma jirto. maalin dhawayd wuxuu yidhi nac-nac intuu aad uula yaabay Cali Shoombe … waar anagaaba nala qaatay ee mid maqiiqan baa soo baxay oo ku jiidhaya….Dadkii oo dhan baa isla dhex maray nac-nac baa yaa bay. Hadaba hadal gun buu leeyee Somaliland yay eersanaysaa.
Waxa la eersanayaa habro saarle iyo sebiyo aan ehel u ahayn inay wax xukumaan.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>