Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Fiqi tolkii kama jano tago Maxamed Xaashi Cilmi oo madaxweyne Siilaanyo ku amaanay mowqifka uu ka qaatay Lixda goobood

$
0
0

FIQI TOLKII KAMA JANO TAGO.MAXAMED XAASHI CILMI OO MADAXWAYNE SIILAANYO KU AMANAY MOWQIFKA UU KA QAATAY ‘LIXDA GOBOOD”

Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo lagu naanayso “Mr LABA”, loona bixiyay markii uu 2 cod helay tartankii uu la galay Marxuum Cigaal, waxa lagu yaqaan madax-adayg siyaasadeed iyo mucaaridnimo mutuxan. Wuxuu mucaarid mutuxan ku ahaa Marxuum Cabdirahman Tuur, Marxuum Cigaal , Madaxwayne Riyaale iyo Madaxwayne Siilaanyo. Waxa kale oo loo bixiyay “ Keligi Saxane”. Eng Maxamed Xaashi wuxuu had iyo jeer sheega lacagayo ka badan Boqolal Million oo doolar oo la musuqmaasuqay, asaga oo aan cadayn soo bandhigin . Wuxuu ku tiraaba in wadanka lagu maamulo qabyaalad, eex, qaraabo kiil iyo nin jeclaysi. Dunuubtaas faraha badan wuxuu ku eedeeyaa dadka aan ku abtirsan Qabiilka & Qoyska uu asagu kasoo jeeedo. Tusaale ahaan, kamuu hadal musuq-maasuqa wayn ee dhawaan saxaafadu soo bandhigtay ee lagu eedeeyay Marwo Samsam. Kamuu hadal beeraha iyo dhulka uu dhacay Col. Muuse Biixi ee dadkii lahaa hortubanyaheen Maxkamadaha. Maantana Eng Maxamed Xaashi waxuu amaan kula dul kufay Madaxwayne Siilaanyo, markii uu digreeto kusoo saaray in lixda gobood ee muranku ka taaganyahay lagu qabto “ Diiwaan gelin” . Eng Maxamed Xaashi wuxuu qaatay mowqifkii Suldan Maxamed Cabdilqaadir iyo Suldaan Sabayse ee ahaa dhulkaa waxa iska leh “Isaaq “ ama “ Sacad Muuse “. Wuxuu muujiyay qabyaalad cad oo aanu gedna ugu soo gaban. Waxa haboonayd inuu Eng Maxamed Xaashi dib ugu noqdo distoorka qaranka iyo kala xadayntii Somaliland ee lixdankii,kana foogaado caadifada qabyaaladaysan .
Drs.Hoodo Yusuf , London, UK.
yhoodo@yahoo.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>