Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Kaadariyiinta Kulmiye Oo Dabada Ka Riixaya Olole Xisbiga UCID Loogu Xukumayo Faysal Cali Waraabe

$
0
0

Faro-galintan Maxamuud Xaashi Ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Maalinta Axadda ay Furmayso Dhagaysiga Dacwada Xisbiga UCID

Hargeisa, September 17, 2016 (Haatuf) – Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo hogaanka sare ee xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa dabada ka riixaya olole balaadhan oo xisbiga UCID loogu xukumo Faysal Cali Waraabe. Sida ay sheegeen ilo-wareedo u dhuundaloola Madaxtooyadu qorshahan ayuu qasdigiisu yahay sidii looga takhaluusi lahaa musharaxnimada madaxwaynenimo ee Jamaal Cali Xuseen oo ay xukuumadda iyo xisbigeedu-ba u arkaan inuu caqabad ku yahay guul ay ka gaadhaan doorashooyinka madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan.
Sidoo kale ilo-wareedadani waxay intaasi raaciyeen in culays badan ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye-ba saareen Maxkamadda sare ee Somaliland ee iyadu ka garnaqaysa khilaafka xisbiga UCID, taas oo ay bulshadda Somaliland aad isha ugu hayso go’aanka ay ka qaadato dacwadaasi, taas oo ama sii xoojinaysa kalsoonida uu shacbigu ka qabo wakhtigan garsoor dalka ama shaki ka wayn kii hore looga qabay hay’adaha cadaaladda ku abuuri doona mujtamaca wadankan.
Dhinaca kale arrimahan ayaa kusoo beegmaya xili maalinta Axada ee 18-ka bishan ay maxkamadu dhagaysanayso dacwada xisbiga xisbiga UCID, taas oo sida la filayo isla todobaadka danbe soo saaraysa go’aanada kama danbaysta ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>