Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Somaliland: Wafti culus oo ka socda dalka Maraykanka oo dalka u imanaaya

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Warar xogogaal ah oo ay Shabakada Caalamiga ah ee Qarannews heshay ayaa sheegaya in maalinta beri ah ee 18/09/2016 ay Jamhuuriyada Somaliland ku soo fool leeyihiin wafti culus oo ka socda Dawlada Maraykanka kuwaasoo u imanaya sidii ay xukuumada Siilaanyo ugu tirtirsiin lahaayeen inaanay marnaba raali ka noqon doonin go’aanka xukuumada Siilaanyo ku kala qaadayso doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee isku sidkanaa loona qoondeeyay inay Dalka ka qabsoomaan Bisha Maarso ee inaga soo foolka leh dabayaaqadeeda.

Sidoo kale wararkan oo aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegaya in waftigan oo xidhiidh lasoo sameeyay Wasiirka si ay balan uga samaystaan inay arkaan Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo sheegay in Maraykanku kusoo rogayo xayiraad dhinaca socdaalka ah xubnaha ugu sareeya xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye haddii aanay ka noqon go’aanka ay ku kala qaadayso labada doorasho.

Waxaynu ka warqabnaa in saddex cisho ka hor kulan dhexmaray xukuumada Siilaanyo iyo wafti ka socday Dawlada Ingiriiska oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibedda ee dalka Ingiriiska Mudane Simon McDonald iyo Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Marwo Harriet Mathews, shirkaas oo lagu kala kacay ka dib markii xukuumada Siilaanyo ku adkaysatay go’aankeeda oo dalalka deeq bixiyayaashu si wayn uga biyo diideen, iyagoo isla maalintii ku xigtayna si wadajir ah u soo saaray warqad ay si adag ugu muujiyeen mawqifkoodaas diidma ah islamarkaasna ku sheegeen sumcad darada iyo cawaaqib xumada uu arrinkani ku yeelanayo geedisocodkii dimoqraadiyada iyo ictiraaf raadinta.

Xukuumada Siilaanyo ayaa danihii Qaranka Somaliland ee dhibta badan loo soo maray u burburinaysa dano shakhsiyaad ama kooxo gaar ahi leeyihiin, iyagoon wax dan ah habayaraatee aan ka lahayn jiritaanka iyo sumcada Qaranimo.

Qarannews


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles