Dhalinyaradda Gobolka Saaxil ayaa Si Adag u Canbaareeyey Xadhiga Eng Salebaan Siciid Cumar Xukuumaddu Kula Kacday.
Shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen dhalinyaradda gobolka saaxil ayaa waxay si xoog ah ugu canbaareeyeen xadhiga xaqadadda ah ee madaxtooyadda Somaliland kula kacday Eng:Saleban Siciid Cumar
Xadhigan foosha xun ayaa waxa uu ka danbeeyey markii uu eng-ku cabiray rayigiisa ee uu sheegay musuqa,eexda,qaraabo kiilka iyo boobka hantida umadda ee xukuumaddu ku hayso umadda,sidaasi ayaa lagu xidhay Eng-ka oo waxa la doonayaa in aysan umadda cidiba ka hadal xumaanta xukuumaddu ku hayso shacabka,hadaba waxay soo saareen dhalinyaradda gobolka Saaxil bayaankan:
1: in si deg deg ah xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Eng.Saleban Siciid Cumar
2: in xukuumaddu ka waantoowdo cabudhinta muwaadiniinta
3: in xukuumaddu ilaaliso xoriyatal qolka umadda
4: in xukuumadda boobka,musuqa iyo eexda ka dayso gobolka saaxil
5: in xukuumadda culeyska ka qaado shacabka gobolka Saaxil
Af-hayeenka Dhalinyaradda
Xasan Maxamed Yuusuf
Email:xasan323@gmail.com
↧
Dhalinyaradda Gobolka Saaxil ayaa Si Adag u Canbaareeyey Xadhiga Eng Salebaan Siciid Cumar Xukuumaddu Kula Kacday.
↧