Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiirka arrimaha dibedda Mareykanka oo Sacuudiga u tagay Qadiyada Weriyaha la la`yahay+Sawirro

$
0
0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xoghayihiisa arrimaha dibedda Mike Pompeo u diray dalka Sacuudiga oo lagu eedeynayo dilka wariye Jamal Khashoggi oo dhawaan sida la sheegay lagu khaarajiyay gudaha qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Boqorka Sacuudi Carabiya King Salman ayaa maanta amar ku bixiyay baaritaan gudaha laga sameeyo oo ku aadan maqnaanshaha weriyaha caanka ah ee Jamal Khashoggi iyadoo la sameeyay guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku sameeya qunuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul, halkaas oo ahayd halkii ugu dambeeysay oo lagu arko 2-dii bishii Octobar.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu boqor Salman kala hadlay arrinta Khashoggi, kaas oo ka soo horjeeday siyaasadaha boqortooyada Sacuudiga.

Trump ayaa intaasi ku sii daray in uu xoghayeha guud ee Mareykanka Mike Pompeo uu diraayo Sacuudiga si uu kulan deg-deg ah ula yeesho boqorka.

Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in boqorka uu iska foogeeyay eedeyntaasi oo uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn maqnaanshaha weriyaha.

Khashoggi, oo degganaa Mareykanka kana sheeqeynayay wargeyska Washington Post ayaa la waayay kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga, halkaas oo uu raadsaday dukumiintiyo meher.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in maamulka ay aaminsanyihiin in lagu dilay gudaha qunsuliyadda kadibna laga saaray maydkiisa, eedeymahaasi oo uu Sacuudiga iska fogeeyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>