Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Waxa dalkii la fasaxay mudahaarada aan sharci loo haysan booliskuna way ogolaadeen ninkii walaanyo lagu fasax

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)- Waxa saaka ay marwada madaxweynaha Amina Waris iyo wasiirada maaliyadu ay lacagayow xad dhaaf ah ilaa shalay ku bixinayeen abaabulka mudaharaad bilaa sharci ah oo aan meelna ka haysanin dastuurka dalka, waxa ay soo abaabuleen dad u badan dumar masaakiin ah iyo ciyaala iskuul, waxa sidoo kale la soo khasbay dad aad u tiro badan oo loo sheegay in mehradahooda la ganaaxi doono, iyo kuwo ganacsado ah oo iyagana khasab lagaga qaaday lacag si qaadka loogu qaado dhalinyarada iyo jajabanta banaanbaxa beenta ah la soo tumay.

Hadaba maanta inaga oo ogsoon in dalkii uu galay xaalad kala guur ah oo ay dawladii meesha joogtay ay ku fashilantay hagistii dalka isla markaasina wakhtigii ku meel gaadhka ahaa ay wax yari ka hadheen waxa soo muuqanaysa in xukumadda noocaasi ahi ay doonayaan in odayga magaciisa ay mar kale ku korodhasdaan wakhtiga, waxna cad in tii Barlamaanka ay korodhsadeen oo ay diideen in ay qabtaan doorasho xalaal ah oo tartan loo galo iyaga oo ka baqaaya isbadalka dhabta ah ee dalka ku imanaaya oo dalka iyo shicibka ay dan u tahay isla markaasna boobkooda iyo musuqooda halis ku ah.

Hadaba waxa haboon in dadka reer Somaliland ay ogaadaan in mudaharaadku uu Somaliland ka banaanyahay oo aanu cidna ka mamnuuc ahay sidaa darteed waa in la mudaharaadaa oo laga dhiidhiyaa labada habrood iyo Bashe Morgan oo dalkii iyo masaakiintii ku dibiro jabsnaaya oo sida ay doonaan ka yeelaaya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>