Waxa la sheegayaa in labadii doorasho ee kala ahayd golaha wakiilada iyo madaxtooyada laka qaaday ilaa hadana aan la mudayn waqtiga ay dhacayso doorashada golaha wakiilada, hadaba ma muuqataa in doorashada madaxtooyada ay dhacayso iyadoo waqtigii loogu talagalay ay ka hadhsan tahay muddo ka yar 6bilood?
Waxaynu aragnaa inay qabya ka jirto diiwangalintii codbixiyayaasha oo aynu ogsoonahay ilaa hada inaan xal loo helin 6da gobood ee lagu muransanyahay.
Waxaynu kaloo aragnaa inaysan ilaa hada ka hadlin komishinka doorashooyinka qaranka inay dhacayso doorashada waqtigii loogu talagalay iyo inkale.
Waxaynu aragnaa dhaqdhaqaaq yarida ka jirta komishinka doorashooyinka qaranka.
Waxaynu aragnaa in xisbiyada mucaaradka aysan u diyaarsanayn inay ka qayb galaan doorashada madaxtooyada,
Waxaynu aragnaa sasaan doorasho inaysan jirin.
Waxaynu aragnaa xisbiga mucaaradadiisu ay xoogan tahay inuusan gudoomiyahoodu ahna musharaxoodu cadayn mowqifkiisa dhabta ah ee ku aadan doorashooyinka.
Waxaynu aragnaa golayaal iyo xukuumad wada socda dhinacay bulshada u jiheeyaana qabanaysa.
Waxaynu aragnaa ma’uuliyiin xilal haya doonayana inay xilalkaasi banayn intay ka helayaan badalkooda ama balan qaad rasmi ah.
Ka madaxwayne mustaqbal ahaan markaan arkay inay jiraan qodobadaas waxaa ii soo baxday inay adagtahay dhicista doorashada madaxtooyada waqtigan inagu soo foodka leh. hadaan dul istaago saamaynta ay yeelan karto dib u dhaca doorashada
Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga wadani haduu sii ahaado gudoomiyaha wakiilada waxaa hoos u dhac ku imanayaa xisbiga uu gudoomiyaha u yahay iyadoo loo sababaynayo in xisbigu uu yahay mid leh laba saxiix, kala qaadista labada doorasho xisbiga wadani waxuu aaminsanyahay inay shaki galinayso guusha u muuqata xisbiga.
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa xisbiga waxaa looga baahan yahay sidii uu ku kasban lahaa wasiirada ugu tunka wayn xukuumada ee hada kuraasta ku fadhiya iyadoo aynu ogsoonahay inay adagtahay nin kursiga ka qadaya inaad si fudud ku siiso.
Kala qaadista labada doorasho xisbiga kulmiye waxuu aaminsanyahay inuu helayo cod uu ku hanto talada dalka
Gudoomiyaha xisbiga ucidna waxaa looga baahan yahay sidii xisbigaas ku ahaan lahaa mid sii jira.
Kala qaadista labada doorasho xisbiga ucid waxuu aaminsanyahay inaysan danba ugu jirin dhinicii loo dhigaba.
Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan hore usheegay inay doorashada waqtigeedii dhacayn lana arkay. Maantana ay ii muuqato cabashada caalamka kasoo baxaysa ee ku aadan doorashada.
Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan soo jeedinayaa in xisbiyada ay is waydiyaan inay yihin kuwa u diyaar ah inay galaan doorasho.
Mohamed Osman
awaadan5@gmail.com