Saakadii hore xili ay goor sheegtu ahayd 7:00AM
Ayaan waxaan ku sugnaa koofurta Suuqa Waaheen ee Wadada kasoo bilaabanta Dugsiga Guryosamo ee Fooga jajabka soo marta Suuqa Waaheena xaga Koonfureed iskaga duugta ugu danbeyna Laamida Wayn kusoo darsanta Hadhwanaag Hotel hortiisa amse Telesom Tower,
Markay Dadkii Wadada yar maraayay mar kaliya ku war heleen dhawr boqoloo Ardayda ah oo yaacaaya isla markaana Dugsigii ay wax ku baranayeen oo ahaa Dugsiga Hoose Dhexe Guryosamo ka yimi,
Dadkii goobta wadada ah socday ayaa qaar ka mida Ardaydii su’aalo waydiiyay waxaanay ku jawaabeen sidan “Waxa la Eryay Maamulihii Dugsiga & Macaliniintii markaa waxaanu mudaharaad la hortageynaa Wasaarada Waxbarashada”
Caruurtan yar yar ee Ardayda ah oo qisaaystii da’dooda waxay u dhaxaysay 7 jir ilaa 13 jir ,
Bal u fiirso maxaa ka galay Ardaydan ciyaalka ah ee xataa aan gaadhin heerka gaadhka doorashooyinka la kala reebay & hadalka Beesha Caalamka kasoo yeedhay,
Maxaa uga caba walee waa yaab tay keenaanba tii kale ka daran,
Tana ma inoo danbeysay,
Waa halkii gabadhu ka tidhi wax nala tus anigiyo tii qoyskayaga!
Maanta sheekadu waxay maraysaa “wax nala tus anigiyo & dadkii aanu Dalka wada lahayn ee ka damqanaayay mustaqbalka oo war cusub ku toosnay,
Geelow soco soco oo maalinta aad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa!!
Wuxuu gabal baasi dhacay markay godka khaldan dageen Qoladan Wadanka hogaamisaa,
Guntii & gabegabii waxaan leeyahay “Karintaa hadaan laga guurin walee inay gorayo heeryaysanina kasoo bixi doonto”
Wabillaahi Towfiiq
By: Gahayr 20/9/16
Hargeisa Somalilan
↧
Ardaydii iskuulada ee saaka la seejiyay casharadoodii iyada oo lagu danysanaayo oo aan la eegaynin mustaqbalkooda iyo xaqiiqda dalka ka jirta
↧